Latest news updateWarkii Universal Tv

Daawo sawiro Wasiirka Magacaaban ee Arimaha Dibadda oo goordhaw soo gaaray Muqdisho

Daawo sawiro Wasiirka Magacaaban ee Arimaha Dibadda oo goordhaw soo gaaray Muqdisho

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muwqdisho kasoo dega Wasiirka Magacaaban ee Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa aad uga mahad celiyay sida quruxda badan ee loo soo dhaweeyay, waxa uuna codsaday in lagala shaqeeyo Shaqada qaran ee loo igmaday, waxa uuna balan qaaday in wax badan qaban doono.

Dhawaan ayaa la filayaa in xilka si rasmi ah ula wareego Wasiirka Magacaaban ee Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya, waxaana wasiirka la magacaabay 4-tii bishan kadib markii xilka laga qaaday Wasiir Yuusuf Garaad.Daawo sawiro Wasiirka Magacaaban ee Arimaha Dibadda oo goordhaw soo gaaray Muqdisho

Back to top button