Latest news updateWararka ugu shidanWarkii Universal Tv

Daawo Sawiro: Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo la dilay

Yemen’s ex-president Ali Abdullah Saleh has been killed in Sanaa, the radio station of the Houthi-controlled interior ministry said.

Footage circulating on social media on Monday appeared to display a body resembling Saleh, with one video showing how armed militiamen used a blanket to move the corpse into the back of a pickup truck.

There has been no independent confirmation of Saleh’s death.

Saleh’s party earlier denied that their leader had been killed and said he was continuing to lead forces in their clashes against the Houthis in the capital, Sanaa.

He has made no public appearances since the reports of his death surfaced.

———-

War ay soo saareen goor dhow kooxda Xuuthiyiinta shiicada ah ee dalka Yemen ayaa waxay ku shaaciyeen iney dileen Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Saalax ka dib dagaal qaraar oo ka dhacay magaalada Sanca.

Daawo Sawiro: Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo la dilay

Warbaahinta Xuutiyiinta uu taageero Iiraan ayaa abinayay in Cali Cabdalla Saalax lagu dilay dagaalka.

Sarkaal u hadlay Jabhada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan ayaa sheegay inay la wareegeen meelaha muhiimka ah ee Koofurta Caasimadda Sanca.l

Muuqaal goor dhow laga baahiyey Tvga Al-Carabiya ayaa muujinaya meydka Madaxweyne Saalax oo ay jiid jiidayaan dagaalyahano ka tirsan kooxda Xuutihyiinta.

Dad ka tirsan xisbiga Mr Saalax ayaa sidoo kale xaqiijiyay geeridiisa, sida uu baahiyay TV-ga Al-Carabiya.

Xisbiga siyaasadeed ee uu ka tirsan yahay ayaa beeniyay in la dillay xilli hore, ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ay qarxiyeen gurigiisa ku yaalla caasimadda Yaman ee Sanca.

Ugu yaraan 125 qof ayaa ku dhimatay, 238 kalena way ku dhaawacmeen dagaalka oo socday tan iyo Arbacadii la soo dhaafay.

Wixii ka horeeyay isbuucii tagay, taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax waxay la safnaayeen ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta, waxayna dagaal kula jireen dowladda Yaman ee Sucuudiga uu taageero.

Dagaalka labada dhinac ayaa bilowday lix maalmood ka hor ka dib markii Cali Cabdalla Saalax sheegay inuu doonayo wadahadal inuu la yeesho xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee taageeraya dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.

Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay ‘in bog cusub la furo’ haddii isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ay xannibaadda ka qaadaan waqooyiga Yemen, ayna joojiyaan weerarrada, waxaana hadalkaas ka carooday kooxda Xuutiyiinta taasoo keentay iney dagaal ku soo qaadaan Saalax oo ugu dambeyn ay dileen.

Back to top button