Home » Latest news update » Daawo sawiro: Laamiga Zoope oo dib u dhis lagu bilaabay

Daawo sawiro: Laamiga Zoope oo dib u dhis lagu bilaabay

Somalia’s president said the government is launching a civil defense force after Saturday’s deadly truck bomb attack in Mogadishu that killed over 300 people.

Addressing thousands at Banadir football stadium in Mogadishu, Mohamed Abdullahi Mohamed also called for unity against al-Shabaab, which is blamed for the worst terrorist attack in Somalia’s history.

“Every Somali citizen has to take a gun and fight al-Shabaab,” he said.

——————————-

Mid ka mid ah Shirkadaha dhismaha Muqdisho ayaa saaka dib u dhis ka bilowday laamigii Isgoyska Zoope oo ku burburay qaraxii 14kii bishan ka dhacay halkaas.

Laamigii saarnaa bartamaha isgoyska Zoope ayaa ku baaba’ay qaraxii weynaa ee halkaas ka dhacay, waxaana goobta uu gaariga ku qarxay ka sameysmay god weyn.

Gaadiidka iyo dadweynaha lugeynaya ayaan loo ogoleyn weli iney halkaas maraan, iyadoo howlihii gurmadka ee meydadka looga baarayey dhismayaasha halkaas ku yaalla la soo gebagebeeyey habeen hore.

Wadada Zoope ayaa la filayaa in dib loo furo marka la dhameystiro dib u dhiska laamiga maanta la saarayo, waxaana la filayaa in wixii ka dambeeya sabtiga wadada ay dib u howgasho.

Sidoo kale qaar ka mid ah dhismeyaashii halkaas ku yiilay ee dumay qaraxii dhacay ayaa waxaa lagu wareejiyey qaarkood, iyadoo la filayo in dib u dhis lagu bilaabo maalmaha soo socda.

Qaraxii 14kii bishan ka dhacay isgoyska Zoope ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 300 oo qof halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ku badan, waxaa jira dad badan oo weli la la’yahay, iyadoo hanti fara badan iyo dhismeyaal waaweyna ay ku burbureen.