Latest news updateWarkii Universal Tv

Daawo sawiro: Doorashada Somaliland oo si qurux badan ku bilaabatay

When Somaliland elects its new president on Monday voters will be engaging in a rare event for east Africa: a ballot that is expected to be free, fair and credible.  The incumbent is stepping down. Voter registration has been conducted, for the first time anywhere in the world, using iris-recognition technology. Campaigning has been largely peaceful. All three candidates have complimented the electoral commission. And no one knows who is going to win.  “The election has been managed very transparently and accountably,” says Mohamed Farah, the director of the Academy for Peace and Development, a research institute in the capital Hargeisa. “We don’t see any potential conflict over the result.” 

————-

Waxaa saakay Deegaanada Maamulka Somaliland ka bilaabatay Doorashada Madaxweynaha ay ku tartamayaan Sadex Musharax oo kala hogaamiya Xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo Ucid.

Doorashadan oo ah mid taariikhi ah xiiso gaar ahna leh ayaa kawada socota deegaanada Maamulka Somaliland, waxa ayna dadka ka codeenayaan xarumo gaar ah oo loogu tala galay in ay codadkooda ka dhiibtaan.

Dadka doonaya in ay codadkooda dhiibtaan ayaa safaf dhaadheer ugu jira goobaha cod bixinta, waxaana dadka qaarkood ayba xalay sii jiifteen goobaha loogu tala galay in codadka lagu dhiibto.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Somaliland waxaa kor kala socda kormeerayaal kala duwan, waxaana doorashadan ay tahay midii ugu horeesay oo u dhacda nidaamka tiknoolajiyada ah.

Baraha Bulshada ku wada xariiraan ayaa gabi ahaan laga mamnuucay deegaanada Somaliland inta doorashada socoto, waxaana maanta si weyn doorashada looga dareemayaa deegaanada Somaliland.

Daawo sawiro: Doorashada Somaliland oo si qurux badan ku bilaabatay

Close