Latest news updateWarkii Universal Tv

Daawo sawiro: Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garawe oo lasoo gabo gabeeyay

The Garowe Airport is situated about 12 km from the Garowe city center. It was officially opened in 2010 under the aegis of Puntland’s Ministry for Civil Aviation and Airports. The first phase of the airport’s construction was completed through a public-private partnership over a period of seven years, with the Garowe-based Mubarak construction company having assisted significantly in completing the project. The airport also attempts to adhere to the air transport standards established by the International Civil Aviation Organization (ICAO).

Through its representative to Kuwait, Faisal Hawar, the Puntland government signed an agreement in Dubai with a Kuwaiti company for the development of facilities at the Garowe International Airport as well as Maakhir University. The deal was valued at $10 million USD and was financed by the Kuwait Fund for Arab Economic Development (KFAED). In October 2013, Puntland Minister of Finance Farah Ali Jama and KFAED Deputy Director Hamad Al-Omar signed a follow-up Grant Agreement in Kuwait. The pact will see the Fund extend $10 million, of which $6 million will be allocated to finance the Garowe Airport Project and the remainder will be earmarked for the Maakhir University Project.

———–

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray  Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe oo dhismihiisu soo gaba-geboobay.Kormeerka ayaa waxaa  Madaxwaynaha ku wehelinayay Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada ee Puntland, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, maamulka gobolka nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin isugu jiray wasiiro, xildhibaano, saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, iyo masuuliyiin kale.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeyn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxwaynuhu dul istaagay qaybaha uu ka koobanyahay garoonka cusub,  madaxwaynaha, ayaa xog waraystay shaqaalaha ka shaqeeya dhismahaasi, sidoo kale Madaxwaynaha ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta wasaarada duulista iyo hawda ee Puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqadii loo igmaday, isla markaana waxaa uu Madaxwaynuhu xaqiijiyay in garoonka loo dhisay sidii uu qorshuhu ahaa ee loogu tala galay, madaxwaynaha puntland ayaa sheegay in dhismaha cusub ee garoonka xadhiga laga jari doono 08 january 2018

Dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa xaqiijiyay in dhismaha garoonku uu marayo wejigii ugu danbeeyay, isla mar ahaantaana uu garoonku noqon doono mid u shaqeeya sida garoomada aduunka.

Ugu danbayn Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daar may hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe ilaa inta  lagala wareegayo dhismaha cusub in ay sii wadaan shaqadooda. Daawo sawiro: Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garawe oo lasoo gabo gabeeyay

Back to top button

Adblock Detected

Fadlan disable ku samee Adblock si webka Saafi Films aad u daawato