Latest news update

Daawo Sawiro 27 sano kadib masuulkii ugu horeeyay ee habeen masoo dega Muqdisho

First time after 27 years a Somali government official lands Mogadishu.

Raisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa caawa fiidnimadii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib safar shaqo oo uu ugu maqnaa wadanka Maraykanka.

Khayre ayaa noqday masuulkii dowladeed ee ugu horeeyey oo 27 sano ka dib xili habeen ah ka soo dega garoonka dayuuradaha Aadan cadde.

Wafdiga khayre ayaa Magaalada New Yorko ee wadanka Maraykanka kaga qeyb galay shir madaxeedka sanadlaha ah ee golaha guud ee QM oo halkaas lagu soo gebagebeeyey, isagoo ka jeediyey khudbad dheer oo arrimaha Somalia uu diirada ku saaray.

Waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee dawladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shaqo adag oo ay qabatay Xukuumaddu, ka dib, lagu guuleystay in xili habeen ah ay ka soo dagaan diyaaraduhu Garoonka Muqdisho. Wuxuna xusay in la sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay Qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho, kuwa dhaawaca ahna Eebe uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah. Isagoo uga baaqay dadka Soomaaliyeed in hal meel looga soo wada jeesto dhibaatada ay kooxaha argagixsadu ku hayaan shacabkeena.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday bulsho weynta Soomaaliyeed in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wixii dhib jirana lagu dhameeyo wada xaajood iyo in la eego dadka guud ee Soomaaliya.

Xukuumada raisul wasaare ayaa dhowaan dedaal dheer ka dib ku guuleysatay iney suurageliso in 27 sano ka dib garoonka Aadan cadde uu shaqeeyo xiliyada habeenkii.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia iyo wafdigii uu horkacayey ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada ka dib markii ay booqasho saddex cisho qaadatay ku tageen dalka Sacuudiga.

Farmaajo ayaa kulamo la soo qaatay madaxda Sacuudiga gaar ahaan boqorka dalkaas Salman bin Cabdulcasiis, dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan iyo masuuliyiin kale, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, waxaana Somalia loo soo fasaxay mashaariic badan oo horey uga xayirnaa.

Back to top button