Latest news updateWarkii Universal Tv

Daawo Video + sawirada qarax xoogan oo lagu weeraray degmada Warta Nabada

Daawo sawirada qarax xoogan oo lagu weeraray degmada Warta Nabada

Waxaa maanta qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray xarunta degmada Wardhiigley, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka yimid aag aan laga fileyn, waxa uuna gaariga ku qarxay albaabka laga galo xarunta Degmada Wardhiigley.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen labo qof sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro kale, waxaana dadka qaraxa ku dhaawacmay ku jira Xoghayihii Degmada Wardhiigley Cali Aadan.

Qaraxa ayaa bur bur xoogan gaarsiiyay qeybo badan oo kamid ah xarunta degmada Wardhiigley, waxaana la arkayay xafiisyada maamulka , garoonka salaxa iyo qeybo kale oo xarunta kamid ah oo aad u bur buray. Daawo sawirada qarax xoogan oo lagu weeraray degmada Warta Nabada Daawo sawirada qarax xoogan oo lagu weeraray degmada Warta Nabada kaasoo qasaareDaawo sawirada qarax xoogan oo lagu weeraray degmada Warta Nabada
For latest news visit Saafifilms.com for latest musalsal & filin hindi af soomaali visit saafistudio.com

Back to top button