Latest news update

Daawo Sawirada Rag Shabaab u qaabilsanaa Warqadaha Digniinta oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Somali police force seizes printing equipment that was used to print warning letters from Al Shabaab & operating men.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho howlgal ay ka sameeyeen kusoo qabtay rag la sheegay in kooxda Al Shabaab u qaabilsanaayeen daadinta Warqadaha Digniinta ah ee Muqdisho lagu daadiyo.

Wasaarada Amniga Gudaha iyo Taliska booliiska ayaa goordhaw soo bandhigay ragan ay ciidamada amaanka soo qabteen, waxaana ragan lasoo bandhigay ku jira Maxamed Nuur oo loo yaqaan Idaacada Wareegta caana ka ahaa magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa si weyn looga garanayay magaalada Muqdisho waxa uuna kusoo caan baxay in uu matalo codadka Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, waxa uuna markii dambe isku bedelay in magaalada ku wareejiyo Warqado ay ku qoran yihiin dhacdooyin layaab leh si looga iibsado.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in Maxamed Nuur oo loo yaqaan Idaacada Wareegta iyo labo nin oo kale ku mashquulsanaayeen daadinta Warqadaha digniinta ah ee kasoo baxa Al Shabaab ee lagu daadiyo xaafado kamid ah Muqdisho, waxaana ragan laga soo qabtay Dharkeenley.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale soo bandhigay Makiinado kuwa daabacada ah oo lagu qori jiray warqadaha magaalada lagu daadiyo, waxaa sidoo kale lagu soo qabtay Warqado digniin ah oo dhawaan lagu daadiyay Muqdisho oo loogu digayay dhalinyarada magaalada.

Back to top button