Dhacdo, Yaab & Barnaamij.Primary - Xulka

ANIGA IYO GODKA JILICOOW (xaqu haduu qaraar yahay soow qotomi maaha) By: Cawil Daahir Salaad

ANIGA IYO GODKA JILICOOW

(xaqu haduu qaraar yahay soow qotomi maaha)

Qeeybtii 1aad

Mudo aad u badan waa dhigay qalinkii qoraalka aan caanka kuu ahaa dadka badankiis waxaa aay ii yaqaanan inaan ahey weriye ka shaqeeya telefishinka universal oo sii daaya barnaamijka siyaasda soomaliya looga dodo ee Doodwadaag  ,kaas oo si toos  ah u falanqeeeya hadba xaalada dalka uu ku sugan yahay,waa hubanti  hufnaan iyo hagar la,aan in lagu dareemay doodwadaag,barnaamijku waxuu ku can baxey inaan dadka soomaliyeed laga qarin marxalada dalkiisu marayo ileey horey ayaa soomalidu u tiri xaqu hadii qarar yahay soo qotami maaha.

Anigoo ka duulaya oraahdaas kaashanaya shacbiga soomaliyeed ayaan  goostey in aanan ka leexan wadadaas si loo gaaro hanaan ku dhisan cadalad,amaan, horumar iyo kala dambeeyn.

Ma hubo in soomaligu gaarey in uu u danqado dalkiisa wax walibana aay qaranimadu kala weyntahay laakiin dugsigii qaranimada lagu baran lahaa soomaliya waa laga furey waxaana ku raja weynahay dugsigii hore ee qabiilku in uu soo xirmi doono maxaa yeelay qabiil iyo qaran meel ma wada galaan.

Inta aanan dulucda mowduuca aanan dhex galin marka hore aan iskaa baro waxii doodwadaag ama telefishinka Universal  ka horeeyay waxaan ka tirsaanan jirey weriyaasha radio mogdishu ee soomaliya waxaan can ku ahaa aqrinta wararka,waxan soo saare tebiye ka ahaa barnaamij canka baxey ee Sheeko Gaaban oo dad badan oo soomali ah aay xasuutaan.

burburkii dalka waxaan ka soo shaqeeyay wargeyso madaxbanaan oo mogdishu ka howl galayay oo aan  ka mid noqdey qoreyaasha sare ee wargeysyadaas, waxaan qorey sheekooyin siyaasadeed iyo kuwa jaceeyl ah waxaa xusid mudan sheekadii cosoboow marya weyne iyo sheekadiiAmbabxii mogdishu oo dadbadan oo soomali ah oo dunida dacaldeeda ku nooli aay aqrisan jireen.

dhanka kale waxaa aan ka mid ahaa dadka hal abuurka suugaanta  oo heesaha sameeya   waxaan agsime guud ka soo noqdey telefishinkii iyo radiyihii ugu horeeyay ee madax banaan  ee Hornafrik, waxaa ka mid ahaa weriyaashii udubada u taagey telefishinka iyo radiyaha hornafrik waa halkii aan ka bilaabay barnaamijka caanka noqdey ee doodwadaag xili magaalada mogdishu aay u kala xirnayd waqooyi iyo koofur oo aay ka kala talinayeen Cali Mahdi Maxamed Iyo ilaaheey ha u naxariisto Gen. Maxamed Farax Ceydiid .

waxaa ka mid ahaa dadkii fara ku tiriska  ahaa ee u bareeray in aay jabiyaan khadka cagaran oo labada dhinac kuna guuleystey in aay kala talaaban ,waxaa kale oo aan tusaale u noqdey dadkii ka baqanayay in la dilo hadii aay ka gudbaan xeyndaabkii aay ku noolayeen ,waxaan marna xasuusteyda ka go,aynin habka aar gudashada, habka kala qaadashada xaalka iyodiyada.

xalka waxuu ahaa  naga raali ahada reer habeloow qofkii aan idinka dilnay iyo diyada oo aheeyd magta qofka bal ka warama cadaldii barigaa jirtey ee odeyadu hadii xaalka iyo diyadu uu xaalku badnaa maxaa yeelay xaalka waxaa qeybsanayay odeyada kaba qabiilada labada dhinac ee is diley laakiin magta waxaa la siinayay ehelada ama caruurtii uu marxuumkii geeriyoodey ka tegey,

habka kala diya qadashada mararka waxaa aay ku dhisneeyd halbeeg xisaabeed  (-) ku dhisan ,

qaar badan oo inaga naga mid ah ayaa dhacdooyinkani aay ku dhaceen waana ka xumahay inaan dib u xasuusiyo laakiin tariiqdu wax beey qortaa ana waxaan ahey dadka faraha yar oo marqaatiga nool ka ahaa maraxaladihii is badalay ee dalka soo marey hababka aan soo sheegeyna waxaan ku faahfaahin doonaa buuga la yiraahdo Dhibanaha maqsuudka oo aan qoraalkiisa ku guda jiro soona bixi doona haduu ala idmo.

qaran markuu burburo ma faduda in uu qumati u kaca, maalmihii madoobaa ee soomaliya waa tariiq aan la iloobi Karin laakiin aay tahay in aay dadku wax ka bartaan,dunida hore martey iyo dowladaha calamku waa soo mareen maraxaladahan iyo kuwa ka sii xun somaliya shalay iyo manta waa kala duwan tahay .

intii aan ka shaqeeynayay telefishinka iyo radiyaha Honafrik waxaan iloobi Karin sheekadii aan qorey ee jilinka aheeyd Inteey waayuhi i Badeen waqtigu ha ku baro ee muadada lab sano ah aay dadka soomaliyeed ka dhageysanayen gudo iyo dibada.

sheekadan waxaa lafdhabar u ahaa dad badan laakiin waxaan rebaa inaan xuso Sheekh Nuur Maxamed Abkey oo ka mid ahaa jilayaasha sheekadaas waxuuna ku jilayay( Magafe ) oo ahaa nin qowleyste ah oo ku jira duurka saxaraha oo dadka afduub ku qabsada xiligaas ma jirin dad saxaraha liibiya mara oo la qabsado, soomalidii ku taxneeyd sheekadii ma gafe ee hornafrik ayaa ugu magac dartey nimanka dadka saxaraha liibiya maraya  ee dadka masafurka ah qabsada kadibna  lacagta madax furashada ku siidaaya.  Ilaaheey ha u naxriisto Sh Nuur Maxamed Abkeey oo ku magac dheeraa Ma gafe      

(Aan kuu dhaafo Fariin fadlan ha tahriibin, Tahriibku waa qater naftaada aad ku weyn karto, fadlan ha haligin naftada hadaad ku fekereysay iloow, hadaad ku sii soctey noqo)      

Waxaa laga yaabaa ararta kadib inaad is weydiiso maxuu ula jeedaa qoruhu Aniga iyo godka jilicoow ha degdegin waa qeeyb ka md ah qoraladeyda taxanaha ah oo aan kaga sheekeeyn doono waxii na dhex marey aniga iyo godka jilicoow waa qiso dhab oo qeeyb ka ah nolosheyda isla markana waa jebter ka mid ah buugayga dhibanaha maqsuudka barshada iyo daahfurku intaas ha inoo joogto

La soco qeeybta labaad khamiista dambe      

Back to top button