|
Booliska
Turkiga ayaa ka qabtay Magaalada Boorsa wiil
dhalinyaro ah oo da’diisa ay tahay 17 jir oo
hooyadiisa oo lagu magacaabo Aasiya oo 46 jir
aheyd dilay markii muran aad u kulul uu
dhexmaray.
Ilo wareed ku dhow Booliska ayaa waxa ay
xaqiijiyeen in wiilka dhalinyarada ah uu ka soo
jeedo koox caabuda sheydaanka , wuxuuna meyda
hooyadii sawiro uu ka qaaday ku faafiyay web bej
lagu magacaabo Face Book , isagoo sharaxanaya
daqiiqada uu ka kooban yahay filimka uu ka
qaaday faldambiyeedkaasi xun ee uu geystay.
Maxaad ka
baraneysaa?
Macluumaadka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in
wiilkani dhalinta yare e hooyadii dilay uu ku
faafiyay waqti yar ka hor web bejkaasi si
aragtida dadka uu ku aruuriyo ee dhacdadan ku
aadan , waxa uuna u qoray sidatan :
Side ayaan ku dili karaa hooyadey ?
Tilmaan ka bixi qeybaha soo aadan midka ugu
haboon ee hooyadaa ay ku dili laheyd:-
1) gowrac
2) Ceeji
3) Xabad
4) Sun
Wiilkani ayaa hooyadii ku dilay mindi ,
maalintii labaad-na wuxuu qeyb qeyb u jarjaray
jirkeeda , isagoo ku dhex qariyay Jawaano
neyloon ka sameysan, wuxuuna mid ka mid ah
saaxiibadiisa uu ka codsaday inuu ku gacan siiyo
sidii uu badda ugu soo tuuri lahaa, laakiin
saaxiibkiisa ayaa Booliska ku wargeliyay
arrintaasi , waxaana la soo gacan geliyay
dilaaga.
Waxaa xusid mudan in falalka lagu dilo
hooyooyinka ay aad ugu bateen wadanka Turkiga
waqtiyadii ugu dambeeyay , iyadoo falalkaasi ay
ku dhaqaaqayaan wiilasha iyo gabdhaha ay dhaleen
hooyooyinka, taasoo meel weyn kaga dhaceysa
qiimihii iyo sharaftii qofka uu lahaa.
Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay Muuqaal Team & Saafi Films.
|