Sayidnaa Ali Bin
Abii Taalib Karamalaahu Wajahah Wa RC oo ahaa
imaamkii Muslimiinta ayaa waxaa uu Yiri asigoo
Ka hadlaayay Faqriga 'Hadii uu faqrigu Nin ahaan
lahaa seef ayaan Qoorta uga jari lahaa'
Haddaba inkastoo Dhulka Afrika uu yahay dhuli
Qani ah oo wax walba laga helo hadane Faqriga
iyo Gaajadda (HANGER AND THE POVERTY) ee ka jira
Dalalka Afrika ayaa waxuu ku kalifay boqolaal
Dhalinyaro ah oo u dhashay Dalalka Afrikada
waqooyi, Afrikada dhexe ,Afkirada Bari in ay
baddaha si murugo leh ugu dhintaan
Dalka Aljeeriya oo ku yaalo waqooyiga Africa
ayaa waxey dhalinyaro badan u tahriibaan Yurub
ayigoo raaca Dooman, waxaana dhacda in Qaar ka
mid ah Dhalinayaradaasi ay Gaaraan Dalalka
Midowga yurub Gaar ahaan Dalalka Spain iyo
Talyaaniga ayidoo kuwa kalane Ayigoo faqri ka
cararaayo uu ku Cuno badda dhexdheeda Yaxaas
Badeed
Dhambaallo lugu Qoray Sigaarka warqadiisa lugana
soo dhex riday dhalooyin laga cabay cabitaano oo
ay Badda soo tuurtay ayaa waxaa laga helay
xeebaha Badda Aljeeriya,dhamaabaladaas ayaa
waxaa Ahalkooda usoo qoray Dhalinyaro
Aljeeriyaan ah oo doonayay in ay gaaraan Yurub
si Tahriib ah Balse markii ay ogaadeen
Mowjahadaha Badda weynta oo ku kacay darteed in
aysan bad baadi doonin Doonida kasoo dul qoray
waraqadahaan muragada leh, waxaana ka mid ahaa
Hadaladan hoos ku Qoran:
' Hooyo Iga Raali
Noqo Aduuunka Korkiisa waxaan la joogi Waayay
Faqri intii uu i cuni lahaa aboorka Waxaan Ka
Door badiy in uu Badda igu Cuno Yaxaas Badeed
ama Aan yurub Galo si aan Faqriga uga Baxo'
Mid kale ayaa waxuu warqad Ahalkiisa usoo Qoray
ku Yiri' Hooyo iyo Aabe waxaan isku daayay in
aan Dalkeena ka cararo, Lakiin Nasiib Daro sida
muuqata Badda ayaan dhaafi wayay, Waalidkii aan
jeclaayow Walaalihii aan jeclaayow Naftiina ka
taxadira, aduunka idinka ayaan idinku jeclahay,
Qofkii amarka Waalidkiis Qaadan waayo meel xun
ayaa u danbeyneyso, Nabadgelyo waan ka xumahay
in aan warkiina diiday'
Mid kale oo asigane ka mid ahaa dhalinyaradii
Tahriibka ku jiray ayaa waxuu ku yiri
Warqadiisa'Hooyadii Qaaliga aheed waxaan
warqadaan kusoo Qoraa ayidoo mujada xun nugu
kacsanyahiin,aniga iyo 5 aljeeriyan ah ayaa isla
raacnay laash kuleemeysi waxaan islaheen
dabaasha markaad u dhawaataan xeebaha talyaaniga,
lakiin waxaa muuqata in anan gaareyn Talyaaniga
una soo laaban doonin Aljeeriya, iska key cafi
hooyo ma dooneyn in aan soo tahriibo lakiin waad
ogtahay dhibaatada aan ku jiray waan ku jeclahay'
Warqad kale oo ay heleen ciidamada badda ee
Aljeeriya ayaa waxey u Qoreed Sidan'Waalidkeyga
Badda ayaa kacsan ma ogi meesha aan ku suganahay
qofkii diid Nasiixadiisaa waalidkiisa waxaa u
danbeyn doontameel xun , hadii aan noolaado waan
iska arki doonaa hadii aan dhinatana waxaan isku
arki doonaa Alle agtiisa'
Wiil asigane lugu magacaabo Maxamuud oo 24 jir
ah Rabana in uu Tahriibo ayaa waxuu yiri'
waxaan taaganahay maalin walba Dekadda waxaan
sugaa markab aan ku dhuunto waxaan rabaa in aan
Dalkaan isaga ka tago maahan meel la joogi karo,
waxuu gacanta u galay maafiyo, waxaan rabaa in
aan yurub galo ee shaqeesto kadibna guursado
waxaa Nasiib leh kuwii badda ku geeriyooday
kuwaasoo ka tegay faqrigaan iyo shaqo la,aantaan'
Warqadahaan muragada leh ayaa waxaa qoray
dhalinyaro aljeeriyaan ah oo doonayay
riyadooduna aheed in ay si Tahriib ah ku gaaraan Janada
yurub si ay shaqo wanaagsan u helaan kadibna ay
u guursadaan ayigoo ka cararaayay faqriga iyo
shaqo la,aanta ka jirto Dalkooda lakiin Nasiib
Daro riyadoodii ku dhamaatay in uu Yaxaas badeed
Cuno sida kumanaan Soomaali ah oo maalin walba
dhibaatodan oo kale ku dhacdo.
Uga danbeytii waxaan Shaki ku
jirin faqrigu in uu yahay Cadow iyo cudur
Bini'aadanka oo dhami la dagaalamo waxaan
ayidana shaki ku jirin in dad badan oo ku nool
dunida in ay ku jiraan faqri kii ugu xumaa kuwa
kalane ay ka carareen dhulkoodii hooyo ayigoo
raadinaayo nolol ka wanaagsan tan dhulkooda
hooyo ay ku noolaayeen, faqrigu waa cudur
aadmiga dhami wada neceb yahay kuna kalifa
Insaanku in uu sameeyo wax yaabo badan oo laga
xishoodo,faqrigu waa wax mudan in laga cararo
aadna u xun caalamka oo dhana laga necebyahay
muslimiintuna ay ka duceestaan, faqrigu waa kan
dadka is jecel kala geeya, faqrigu waa kan dadka
is qaba kala fura, faqrigu waa kan dumarka ku
kalifa jirkooda oo ay jecelyihiin in ay gataan,
faqrigu waa kana ku kalifa waalidiinta in ay
gadaan ubadkooda oo ay aduunka u
jecelyahiin,faqrigu waa kan caruurta dhiga wax
barasho la,aan,faqrigu waa kan ku kalifa Raga
Qaarkooda in ay gataan Kaliyah Dumarkooda inta
kala baxaan ama Kilyahoodaba gataan lakiin
inkastoo dhibaatooyinkaas oo dhami jiraan waxaa
muhiim in mar walba Nafta la ilaaliyo lana
jeclaado Nolosha oo laga shaqeeyo sidii looga
hortig lahaa faqriga.
Haddaba Akhrisow anagoo og Dalka Soomaaliya in
uu yahay Dalalka ugu faqiirsan Dunida makula
tahay faqri kasto oo jiro in ay yurub tahay
meel mudan rafaadkaas in loo maro ? maxaadse
jeceshahay in aad kula taliso dhalinyarada
soomaaliyeed ee raba in ay Tahriibaan ? maxeysa
tahay arigtidaada ku aadan Guud ahaan Tahriibka? Sideesa
u aragtaa dhalinyaradan Aljeeriyaanka ah ma kuwa
ku khaldan Tahriibkooda misa kuwa ku saxsan?
Ismaaciil Saxaaf
Saxaaf@hotmail.com