|
|
|
 |
|
|
|
WALAALO
AAN IS OGAYN OO IS GUURSADAY.
|
|
|
WALAALO
AAN IS OGAYN OO IS GUURSADAY.
Qiso cajiib ah oo qabsatay qoys Soomaaliyeed
Waa
nin darawal ahaan jiray, sida aan ogsoo
nahay darawaliintii hore way naago guursi
badnaayeen sanadkii 1984 ayaa nin la
dhaho Xassan Raabi oo darawal ahaa yaa
wuxuu tagay Hargeeysa wuxuu guursaday
Gabadh lagu magacaabo Caasho guuleed
mudo ayuu qabay waxeeyna isfureen iyadoo
caasho guuleed uur u leh . Xassan Raabi
wuxuu isga noqday koonfur oo markii
hore ka yimid waxaana wadanka kadhacay
dagaaladii Somaliya oo dhan aafeeyey
dadkana kala kaxeeyey .sidaan ogsoo nahay
1992 intii ka danbeeysay waxaa wadanka
looga baxay si aan caadi aheen .dadku intii
diyaarada ku bixi kartay waa ku baxeen
intii yaman u tahriibi kartay waa u
tahriibeen . Xasan Raabi wuxuu dhalay 2
wiil wuxuuna kala diray USA wiilka
wayna oo ladhahay Maxed Xasan iyo wiilka
yar oo ladhaho C/raxmaan oo kunoolaa UK
Cariga ingiriis . waxaa dhacday in
Maxamed Xassan Raabi ay Gabadh is
jeclaadeen kula nooleed USA khaasatan
Gobalka Michigan oo la nooled Abtigeed .
Maxamed xasan markay mudo wada socden
waxay Go'an sadeen inay isguursadaan ..
|
| |
|
|
| |
|
|
|
|
|
|
Maxamed Xasan Raabi abtigeed u soo Doontay
Gabadhii ay is jacelaayeen oo lagu magacaabo
Yaasmiin,Wuxuu doontay Yaasmiin abtigeed na
wax shuruud ah kumuu xidhan meesha ayaa la isku
siiyaay maherkooduna ku dhacay Yaasmiin waxay
jeclaysatay ineey ku aqal galaan hargeeysa
. waxaa ku nooleed hooyadeed Maxamed Xasan
wuu ka yeelay waayo wuxuu ahaa yar wadaad
iska ah oo Jaamacad meesha uga baxay oo aad
u diyarsan dhaqaalana aan ka maqneen .waxaaney
go'aan sadeen inay baxaan is ay ugu aqal
galaan hargeeysa wiilka iyo gabadha waa dad
wax bartay waxaana isa soo jiidatay
dabeecadooda iyo aqoontooda Maan shaa alaah.
Waxay Talo sii gur guurataba waxaa ka dhaceen
Hargeeysa ,Aroos wayn ayaay ku dhigteen
Hotelka wayn ee Ambasator waxaa meesha ka
dhacday Xaflad lacag fiican lagu qarash
gareeyay
Waxaa soo af jarantay xafladii waxaan la
isaga tagay Maxamed iyo Yaasmiin,maxaa
dhici doona, xaabal iyo ninka loo wado lama
kala qariyo waxaa isku soo haray Maxemed iyo
Yasmin .goobta ayaa waxaa ka dhacay arin muc
jiso ah toloow maxay tahay mucjisada
meeysha ka dhacday waa arin afku soo qaban
wayaay waa Maxamed Xasan iyo Yaasmiin wax
noqdeen laba qof aad ukala xishoonaaya.
jaceelkii hore meesha mayaal waxaa daaha
soo rogtay xishood waxaa dhumay dareenkii
iyo hamigii ay isu qabeen Maxamed Xasan
dareen dhan waa iska wayaay Yaasmiina waxaa
hadheeyey xishood waxaay guteen waajibka
saarnaa ..Subaxii markii waagu barayay ayaa
Maxamed Xasan Raabi arinkii uga sheekeeyay
wiil adeerkii dhalay wuxuu Maxamed Xasan Raabi
ku soo gooyay talo inuu san mardanbe isaga
iyo yaasmiin kulmin Huteel ayuu iska dagay ..
waxaa la soo raadshay ...Maxamed Xasan
waxaanu Yaasmin cideeda hordhigay sheekada
dhacaday ee ay Macaantiisa xaaskiisa
xaalasha ah ay markhaati ka tahay .iyo siday
sheekadu u dhacaday ........ waxaana faraha ka
baxaday sheekadii..... Yaasimiin iyo Maxamed
Xasan meesha laga haysto waa fahim waayeen .Maxamed
ma arki karo Yaasmina sidoo kale ...waxay talo
sii gurguurataba aakhirkii sheekada waxay
dhaafi waysay in culamad la hor dhigo
arrinta labadan qof isguur satay ee xalaasha
isku Nikaax saday . ma ahan laba qof oo la
isku daray .sidan soo shegnay waa laba qof
jaceel isku helay .waa laba qof dadka iska
doortay...hadaba Akhristoow sheekadu markay
mudo 4 bilood ah socotay.intaana baadhitaana
lagu sameeynayay ayaa waxaa waxaa dib loo
raacay taariikhda yaasimin iyo Maxamed
Xasan waxay noqdeen walaalo sheekadu waxaa
mucjiso noqotay Yaasmiin waxay leedahay uur 2
bil iyo bar ah u fiirso sheekada kana fiirso.
Abdinasir Ahmed Kheyre (Abtiga)
koyla571@hotmail.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay Saafi Films.
|
|
|
|
|
|
|
|
| |
|
|
|
|
|
|