|
|
|
|
 |
|
|
|
|
Jidka Lagu Gaaro Jannada.
|
|
|
Jidka Lagu
Gaaro Jannada
Qiso Ka Dhacday
Muqdisho
1-wuxuu yiri nabiga (scw) qofkii alle
lakulma asagoo u shariik yeelin wuxuu
gallayaa jannada (waxaa wariyey Bukhaari)
2-cidii ALLE iyo rasuulkiisa rumayso salaada
toosiya oo ramadanka sooma alle dushiisa
waxaa ku waa jib ah jannada( Bukhaari)
3 -qofkii dhissa masjid isagoo ku raadinaya
wajiga ALLE, ALLE ayaa ugu dhisaaya
masaajidkaasii oo kale jannada dhexdeeda (Bukhaari)
4 -qofkii tukada labada qaboobe (waa
subaxdii iyo casarka)jannada ayuu gallayaa (
waxa wariyey Bukhaari )
5-qofkii ukallaha masaajidka una caraaba
illaahay wuxuuna u diyaariyey
martiqaadkiisa,marwallba uu la kallaho ama
uu carraabo (Bukhaari)
6-wuxuu jiray nabiga( scw) yaa ii damaanad
qaadaya 2 laf gareed inta dhaxaysa iyo inta
u dhaxaysa 2 lugood(waaa carrabka iyo
xubinka taranka)oo aan u ballan qaadaya
janno (Bukhaari) |
| |
|
|
| |
|
|
|
|
|
|
7-qofkii tukada 12 rakco maalinka iyo
habeenka dhexdooda 12 kaas rakaco sababkoodii
wuxuu ALLE ugu dhisayaa guri jannada dhexdeeda.
8-qofkii qaada waddo isagoo ku raadinaya cilmi
wuxuu ALLE u fududeeya jidka jannada waxaa
wariyey (Muslim)
9-qofkii u dambeyssa weedha LAAY ILLAAHA
ILLALLAAHU markuu dhimanayo hadallkiisa wuxuu
gallayaa jannada.
10-nebiga (scw) wuxuu jiray; runtu waxay qofku
ku hagtaa wanaaga, wanaaguna wuxuu qofku hagaa
jannada
11- ALLE wuxuu ballan qaaday qofkii jid kiisa ku
jihaada, isagoo uu san bixinaynin jihaad mooyee
iyo rumayn uu rumaysan yahay weedha ALLE- in uu
galiyo jannnada.
12-wuxuu yiri nabiga (scw) hooy dadoow salaanta
faafiya oo dadka quudiya oo tukada xiliga oo ay
dadka jiifaan, jannada ayaad gallaysaa waxaa
wariyey (Tirmidi)
13-wuxuu kalloo nabiga yiri(scw) cumro ka cumro
wuxuu ALLE ku dhaafaa wixii dunuub ah ee u
dhaxeeya xajka lagu samafallayna(axkaantiisala
ilaaliyey) abaalkiisu ma aha janno mooye wax
kale.
14- ALLE wuxuu lee yahay 99 magac qofkii kor ka
qabta wuxuu gallayaa jannada (Bukhaari)
15-wuxuu yiri suubanahu (SCW) waxaan arkay nin
ku raaxaysanaya jannada dhexdeeda wuxuu taa ku
hellay geed dadka dhibi jiray uu ka jaray
waddada
|
|
|
|
|
|
|
|
| |
|
|
|
|
|
|
|
|