FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l FREE FILMS l DOCUMENTARY l  PROFILE l FREE STUFF

 
 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

TEE FURMEYSA MARKA DIINTA LOO EEGO.

 

 

 

Labadan gabdhood ee walaalaha ah tee furmeysa marka diinta loo eego?

 

Waa duni aakhiro sabaan waa duni wax kasta oo dhacaa ay suurtagal tahay waxaan la arkeen ma jiraan hadii cimri lahelo hadaba akhirtisoow maxay ka qabtaa dhac yooninkan layaabka leh diinta islaamku .gabadhee furmaysa 2 labadan gabadhood ee walaalaha ah ..........
Waxaa dhac dooyinka cusub u sabab ah dhibaatooyinka dalkeena ka tagaan khaasatan dagaalada aan joogsiga laheen ama dhamaadka laheeyn waxaana mar kasata iska dhacada mucjiso layaableh ama arin aan la malayeesan karin waxaana halkan ku xusay dhacdo layaableh marka loo eeg xiligii hore siday soomalidy ahaan jirtay iyo ka bixitaanka dalkeena hooyo ama ka tahriibada dalkeen inay sababto u noqdaan dhacdooyin horleh

hadaba Nin magaciisa ladhaho Siciid jaamac ayaa waxaa ku dhacday qiso mucjiso ku noqotay . Siciid wuxuu ahaa nin iska dhaqan oo dhaqaale fiican iska haysta xiligii ay jirtay doowladii dhexe ee somaliya wuxuu guursaday gabadh aan magaceeda meesha lagu xusin 1995 waxaanay u dhashay 3 caruur ah.. Siciid wuxuu ka shaqaysan jiray suuqa daawada ee bakaaraha habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa dhacayday in ay xaajiyadiisa isku dhacaan shaydaan ayaa habeenkii ka dhex shaqeeyey waxaana lagu kala seexaday xaaqan.

 

 

 

Subaxii markii waagu baryay oday Siciid Bakaaro iyo shaqadiisa ayuu iska aaday.xaaji siciid wuxuu guriga ku soo laabtay galabtii ciyaalkisa oo ay la joogto gabadh shaqaale u aheed markuu waydiiyaay xaaskiisa waxay ugu jawaabtay siday saaka u baxaday weeye .Siciid aad ayuu uga xumaday hadan layaab ayaay ku noqotay . Siciid wuxuu isku soo dayaay guriga sodohdiis oo xooga u jira wuxuu soo gurguurtaba wuxuu soo gadhay gurigii isgoo dalaan , hore ayuu usoo galaay guriga waa laga buuxay cidka maqan ma laheen cida uu la xididka yahay siciid aad ayaay u jeclaayeen raaska ama cida uu xididka layahay sifican ayaa loo soo dhaweeyey salaan iyo cabitaan ka dadib wuxuu filaayay inuu xaaskiisa wajiga ku dhufto ama ay ishiisu qabto wuu is celin wayaay xooga markuu fadhiyaay waxaan maamadii guriga ee sodahdiisa aheed usoo bandhiga dhibka ka jira. waxaanu xaajiyada layaab ku noqotay gabadheda wax ku dhacay waxaanay u sheegtay inaysan gurigan iman . waxaa Siciid afkala qaad ku noqotay meesha ay aaday xaaskiisa oo uu aad ujecalaa waligiisan aysan is qaban una baran bixitaanka . waana habeenkii ugu horeeyey ee shaydaanku ka dhex adeegay ..

Siciid wuxuu isga sii jiitamay gurigisa iyo ciyaalkiisa. habeenkii oo dhan muu seexan waagu markuu barayay ayaa waxuu u tagay cid ay daris yahiin oo aad isugu fiic naayeen .oo reer Geesay ladhahay. oday Geesay iyo xaaskiisa ayuu sheekadii u sheegay waxaana oday geesay xaaskiisa oo la dhaho Shamso ayaa waxay u sheegtay in shalay wada socdeen Gabadh ladhaho Saahro xeefay oo dagan xaafad xooga u jirta . siciid waxaa ka soo fuqaday neef waxaanu shamso ku dhahay walaal maad i geeysid gurigaas shamso way is diyaarisay waxaanay afka saareen gurigii xaaskiisa lagu sheegayaay waxaay soo hadaafaan waxay yimaadeen gurigii gabadha way is garteen Siciid gabadha wuu salaamay wuxuuna ku dhahay Saahro xeefay waran, waa khary ayaay ugu jawaabtay waxaanu hore ka waydiiyaay xaaskiisa waxaay ku dhaahayda walaalo war nabad ah iga hoo aniga shalay ayaay isoo raacday shalay dhan waa la hadalayay lakiinse waxba way iga qaadan waysay waxaay iga tagtay casarkii hadafkeedii ugu danbeyey wuxuu ahaa Boosaaso ayaan u socdaa ee meel kale haka raadin ..ayaay ku dhahaday ....

Siciid waa naxay wuu yaabay aad ayuu uga mooraal jabay waxaanu ku noqday gurigii sodoh diis wuxuu u ban dhigay inay gabadhii Boosaaso aaday. familkii oo dhan waxay ku noqtay afkala qaad Siciid gurigiisa ayuu ku soo labatay ilmahiisa ayuu iska dhex galay . subaxii danbe ayaa waxaa u yimdi sodahdiis iyo wiil seedigiis ah meesha ayaa lagu sheekeeysatay waxaana wiilkii iyo maamadisa ama siciid sodohdii iyo sadigiis ay isku afgarteen inay boosaaso kaga daba tagan waanu ka aqabalay waxay iska daba jiitaman 5 bari kadib ayaay Muqdisho ka baxeen duqdii iyo wiilkeda waxay sii gurguurtaan waxay tageen Ceelka Bari ama Boosaaso waxaay dadaal muujiyaan oo baadhitaan dheer sameeyaan oo dad reer boosaasood ah la kaashaadan waxaa la geeyay meesha doonyaha laga Rararo ama ay gooshaan iyo wiilasha Kireeya waxaanay mesha ku arkeen Magaceeda oo sadaxan iyo doontii ay raacaday inay habeen hore goostay ilaa hadan aan meel lagu sheegin

islaantii meeshii ayaay ku suuxday waxaanay lagu soo qaday gaadhi u kireeys naa oo tagsi ah mudo 3 maalin ah ayaay meesha sii joogeen waxaanay BBC ka dhageeysteen in doon ay dad somaliya saaran yahiin ay ku dagtay ama ku qarqoontay meel u dhoow xeebaha Yamanta dad badana ay ku dhinteen qaarna la bad baadshay ...... Maamadu aad ayaay Muraaydu uga jabtay Dhiiga iyo Sonkor ayaa isug darsamay Waxaay ka samri wayday sida fudeedka ah ee ay gabadheedu ku baxaday .,Maal kadib ayaay muqdisho isga soo laabteen wiilka iyo hooydii iyadoo tacbaan siday wax u dhaceen u sheegen wiilka gabadha qabay waxaanu ku sigtay inuu waasho .

wuu iska samaray illeen waa qadar alle meel ayaay wax u socdaan cidu way samri waayeen waxaa lag sugay mudo baafino ayaa ladiray lakiin wax jawab ah way waayeen waxaan gabadhii lagu daray ama lagu tiriyeey dadka xijaabtay ee inaga hooseeya meesha ayaa waxaa loogu dhigay tacsi madaamay ay soo arkeen magaceeda iyo doona ay raacaday lacadeeyeyna inay doontu dagtay waxaay sugaan ayaan jirin waa qadar alle

mudo 1 sano iyo 7 bilood markay ka soo wareegtay waxaa jiratay ama xanuusatay duqdii sodohdiis aheed ee gabadha dhashay waxaana loo yeeray Oday Siciid waxaa la isku af gartay madaama siciid familka ka mid yahay in Gabadha Guriga joogta oo xaaskiisa la dhalatay Xigsiisan loo siiyo oo lagu darro Si aanay Ciyaalku U dayac min Wuu qaatay arinka ka soo yeeray cida ay xididka yahiin aad ayuu ugu qancay siciid arintaa loo soo gartay . sidaan hore u soo shegay siciid wuxuu ka mid ahaa familka aadna wuu udhaqaalen jiray. mud 2 bil kadib waa loo wareegjiyaay ,Oday Siciid wuu iska dhaqamay .

wakhtigu wuu is guray markay ka soo wareegtay maqnaashaha Xaaskiisa hore mudo laga joogo 2 sano iyo 10 bilood oo xaaskan yari 2 gabdhood oo matana ah u dhashay oo uu iska ladan yahay

ayaa waxaa subax jimco ah 12 kii duhurnimo ka soo dagtay tagis nooca 124 ka ah qof dumar ah oo ay ka muuqto duruufta aduunka waxaa guriga ka furtay walasheed way suuxday xaafada oo dhan aya isku soo baxaday gurigii ayaa saxmo noqday cidii ayaa dad loo diray waa la isu yimid waxaanay ka sheekeysay dhibkay martay

1 waxaay soo istaagtay waxaan galay Qalad wayn Hala i cafiyo waxaana mary Ciqaabtiisa Bada ayaan galay doon ayaa ila dagtay waa nala bad baadshay 8 bilood ayaan cusbitaal ku jiray intii kalana waxaan ku jiray jiro maskaxda iiga dhacaday meel ayaan iska aalay 1 sanad iyo 8 bilood waan sii rafaadayaay meelkasata aduunka ayaa layga soo xidhay albaabkasata ayaa ii furmi wayaay waxaan usii tahriibay Sucuudiga 1 habeen markaan sucdiga joogay subaxii waa la soo qabtay waykan

hadaba Akhristoow halkan maku soo koobi karno dhibka ay martay iyo ciqaabtay martay gabaasi iyo siday ula soo xidhiidhi waysay reerkooda waa aduunyo meel u socota ku qabtay iyo Qadar alle waa la iska qataa ..........hadaba ]....maxaay ka Qabtaa Diinteenu Arintan dhacayday Teebaa Furmaysa 2 labadan Gabdhood ee Walaalah ah ka fiirso una fiirso akhristoow

xuquuqda waxaa iska leh saafifilms.com


Abdinasir Ahmed Kheyre (Abtiga)
koyla571@hotmail.com

Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay  Saafi Films.
 

 
 

Isku dar liiska Saafi Films

si aad u ogaato marwalba

wixii ugu dambeeyay ee

nagu soo kordhay 

      

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 

 

                                           © Copyright 2003-2009. Saafi Films Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.