|
Taariikh Nololeedkii Aabbaha Saxaafadda Soomaaliyeed
Maxamed Muxiyaddiin Cali

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Muxiyaddiin Cali ma
dhiman ee waa dhuuntay, iyadoo 29-kii bishii Disembar gacan ka
gardaran uu ku sababeystay, kadib markii qarax miino lala
beegsaday xili uu ka soo baxay hoyga uu ka degan yahay Degmada
Kaaraan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Marxuumku u geeriyooday
dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi miino ee dhagar qabayaasha
dhigeen.
Maxamed Muxiyaddiin wuxuu ahaa Suxufi weyn oo mudo 23 sano ka
hor uu ka soo shaqeynayey howlaha warfaafinta iyadoo si weyn
dalka iyo dibada looga yaqiin, wuxuuna mudooyinkii danbe ahaa
Afhayeenka Maamulka Gobolka isla markaana ahaa Agaasimihii
Warfaafinta Gobolka Banaadir, wuxuuna mudo Todobo Bilood ah uu
hayey xilalkaasi iyadoo geeridiisa si weyn looga dareemay
dalka & dibadaba.

Maxamed Muxiyaddiin wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu tegay
taariikh lama ilaawaan ah iyadoo lagu yaqiin daacadnimo,
furfurnaan, calool jileec, deeqsinimo iyo qof walba oo uu
saaxiib la noqdo, waxaanse la hilmaami karin doorkii
Saxaafadeed ee uu ka soo qaatay dalka mudadii burbur la'aanta
isagoo Tifaftire ka noqday Wargeyskii ugu horeeyay ee laga soo
saaro dalka markii xukuumaddii Kacaanka la riday, qoraal
laguma soo koobi karo Taariikhda Maxamed Muxiyaddiin hase
ahaatee waxaan aqristayaasha u soo gudbineynaa inta aan ka
xasuusano.
1963-kii ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho, Waxbarashadiisa
heerka dhexe iyo hoose wuxuu ku qaatay isla magaalada Muqdisho.
1986-kii ayuu Dugsiga sare ee Macallin Jaamac uu ka baxay,
xiligaasi ka hor wuxuu Maxamed Muxiyaddiin uu waday howsha
Saxaafadeed ee uu noloshiisa ka soo bilaabay isagoo ka
howlgeli jiray Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan
Wargeyskii XIDDIGTA OKTOOBAR ee ku hadli jiray codka Dowladda,
wuxuuna kartidiisa ay gaarsiisay in uu isku wado waxbarashada
iyo howsha Saxaafadeed.
Maxamed Muxiyaddiin wuxuu howsha Saxaafadda uu ka dhaxlay
Aabihii Muxiyaddiin Cali oo sanadkii 1984-kii ku geeriyooday
magaalada Muqdisho, isagoo qabtay booskii Aabihii uu kaga
jiray howsha Saxaafadeed, wuxuuna in mudo ah ka howlgaleyey
Wargeyskii Xiddigta Oktoobar, iyadoo markii ay meesha ka
baxday xukuumaddii uu hoggaamin jiray Jaalle Maxamed Siyaad
Barre uu bilaabay in uu horay u sii wado ama abuuro Saxaafad
Madax bannaan oo ka howlgasho dal 21 sano ku jiray
Kalitalisnimo, wuxuuna aas-aasay Wargeyska XIDDIGTA PANORAMA
oo ogolaasho looga helay inuu soo baxo Wasiirkii warfaafinta
Dowladdii uu hoggaamin jiray Cali Mahdi Maxamed Mudane Maxamed
Sh. Maxamuud Guuleed, wuxuuna durbadiiba uu bilaabay inuu soo
saaro wargeyskaasi isagoo heshiis buuxa la galay Madbacadda
Qaranka ee uu xiligaasi ka shaqeynayey in lagu daabaco
Wargeyska Panorama.

Wargeyska Xiddigta Panorama wuxuu noqday Wargeyskii ugu
horeeyay ee ka soo baxa Muqdisho markii ay burburtay
xukuumaddii Siyaad Barre, wuxuuna Maxamed Muxiyaddiin abuuray
Saxaafad Madax banaan oo ka hana qaato dalka Soomaaliya,
taasoo uu ku mudeystay sharaf iyo magac uu ku dhex yeesho
bahda Saxaafadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka
Soomaaliyeed.Waxaana durbadiiba dalka ka abuurmay Wargeysyo
kale oo fara ku tiris ah kuwaasi oo maray wadadii uu jeexay
Allaha u naxariistee Maxamed Muxiyaddiin Cali.
Maxamed Muxiyaddiin wuxuu ka qeyb qaatay shirarkii dib u
heshiisiinta iyo kuwo kale oo looga hadlayey arrimaha dalka
Soomaaliya ee lagu qabtay dalalka Geeska Africa isagoo door
muuqda ka qaatay dib u heshiisiinta dalka mudadii kala guurka,
waxaana laga xuso karaa shirarkii uu ka qeybgalay shirkii
looga hadlayey arrimaha bini'aadanimada ee ka dhacay magaalada
Addis Ababa sanadkii 1993-kii, shirkii dib u heshiisiinta ee
Addis 1 iyo Addis Ababa-2 ee lagu heshiisiinayey
Hoggaamiyeyaashii dagaalka ee Cali Mahdi Maxamed iyo Gen.
Caydiid, kaasoo markii danbe fashil ku dhamaaday, sidoo kale
wuxuu door muuqda ka soo qaatay shirkii lagu soo dhisay
dowladdii Carta ee C/qaasim Salaad Xasan, shirkii dib u
heshiisiinta ee Kenya ee lagu soo unkay Dowladda Federaalka
KMG iyo kuwo kale oo bini'aadanimada ku saabsan.
Allaha u naxariistee Maxamed Muxiyaddiin wuxuu ku mudeystay
mudadii dowlad la'aanta arrimaha saxaafadda amaan, dhaliil,
hanjabaadyo iyo caga jugleyn ugu imaaneysay maamuladii kala
duwanaa ee dalka ka dhacay, iyadoo dhowr jeer ay dhacday in uu
isaga tago gudaha dalka sababo la xariira amaanka, wuxuuna
culeyskii ugu adkaa uu ugu yimid xiliyadii dagaalada sokeeye
ee maamulkki Cali Mahdi ee ka talin jiray Waqooyiga magaalada
Muqdisho, Maxkamaddii Islaamiga ee Sh. Cali Dheere, Dowladdii
C/qaasim Salaad Xasan oo dhowr jeer isku dayday in maxkamad la
soo taago balse awoodi weysay in gacanta lagu soo dhigo
maadaama dalku uu ahaa mid ay ka talin jireen qabqablayaal
dagaal.
Bishii Febraayo 2004-kii wuxuu Maxamed Muxiyaddiin ka
qeybgalay shirweyne ay isugu yimaadaan dhalinyarada Africa oo
xiriir la leh Mareykanka (21st Century African Youth Movement,
wuxuuna la soo galay heshiis buuxa oo dhigayey in marka dalka
Soomaaliya uu amaan noqdo in uu noqon doono wakiilka
Soomaaliya, balse rabshadaha jira awgeed ay suurtagal noqon
weyday wuxuuna ku ekaaa oo kaliya Xubin ka tirsan ururkaasi.
Shahaadooyinka-
June/ 1998- BBC Warld Serve Journalism Cours -at Hargeysa
May/ 2000 Life & Peace Institute- Horn of Africa Program/
Civic Education Program, Media Training Funded Bay EU,
Implemented Bay Life and Peace.
Febraayo/2006- wuxuu casuumaad ka helay ururka Wacyi gelinta
iyo ka hortaga Aidska shirweyne uu soo qaban qaabiyay
Hoggaamiyaha Nelsom Mandela, kaasoo ay ka qeygalayeen
aqoonyahano ka kala socday 130 dowladood isagoo madalayey
dalka Soomaaliya.
Sidoo kale abaal marino ku guddoonsiiyay Guddiga Olombikada
Soomaaliyeed, Hey'addaha u dooda xaquuqda aadanaha ee dalka
gudahiisa iyo dibadiisa iyagoo ku amaanay kaalinta uu ka
qaatay u doodista xaquuqda iyo xadgudubyada loo geysto beelaha
aan hubeysneyn iyo dadka laga tirada badan yahay isagoo intii
karaankiisa ah shaqsiyan wax u qaban jiray, sidoo kale wuxuu
hey'addaha samafalka gaarsiiyay dhibanayaal ay soo gaareen
cuduro iyo waxyeelo rasaas kuwaasoo uu u qabtay daryeel
caafimaad iyo mid dhaqaale.
Sidoo kale waxaa abaal marin guddoon siiyay mas'uuliyiinta
daryeelka caruurta iyo haweenka ee SOS oo ku amaanay dadaalka
iyo howlkarnimada uu muujiyay, wuxuuna ka qeybqaatay baahinta
howlaha baaxada leh ee ay SOS u heyso hooyada iyo dhalaanka.
Kaaalinta uu ka qaatay horumarinta Sportiga oo aan la soo
koobi karin, isagoo noqday oo loo doortay Guddoomiyaha ururka
Suxufiyiinta Sportiga Soomaaliyeed isla markaana aas- aasay
Wargeyska GOS oo ku hadli jiray magaca guddiga Olombikada
Soomaaliyeed, kaasoo ka faaloon jiray horumarka Sportiga
Soomaaliya, wuxuuna guddoomay shahaadooyinka ugu sareeyee ee
ururka GOS, CAF iyo FIFA.
Gabagabadii bahdii uu ka geeriyooday iyo dhalinyaradii uu
tababaray Maxamed Muxiyaddiin Cali waxay wadaan qorshe ay ku
abuurayaan hey'ad u dooda xaquuqda aadanaha oo isaga loogu
magac daro iyo mid lagu abuurayo kuwo samafal iyo tababaro
dhinaca saxaafadda ah oo ay dhalinta soo koreysa ka
faa'iideysan doonaan aqoontii uu ugu tegay Aabaha Wargeysyada
Madaxa bannaan ee ka soo baxa Muqdisho kuwaasoo dhawaan la soo
bandhigi doono iyo buug ka hadlayo waxqabadkiisii aan lagu soo
koobi karin hal qormo oo muujineysa inuusan dhiman ee uu
dhuuntay, Innaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi Raajucuun.
Cali Muxiyaddiin Cali
muxiyaddiin@hotmail.com
Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya
Midnimo Information Center
wararka@midnimo.com
|