Latest news update

Soomaali & Oromo Dagaal Khasaaro Geestay ku dhax maray gudaha Itoobiya.

Several people were killed and several others wounded in the ongoing clashes between the Somali and Oromo communities in eastern Ethiopia. Plus one of Uganda’s top universities says its investigations have led to the discovery of numerous suspicious degrees awarded two years ago. And why does corporal punishment persist in South Africa, despite being banned?


Wararka ka imaanaya Bariga Itoobiya ayaa sheegaya in magaalo halkaasi kutaala uu ka dhacay dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo u dhaxeeyay Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida.

Rabshado u dhaxeeyay dad kasoo Jeeda labada qowmiadood ayaa ka dhacay xadka ay wadaagaan ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo kan Oromada, waxaana rabshadahan salka ku hayaan is qab qabsi dhuleed.

Dhoor qof ayaa ku dhintay rabshado shalay dhax maray labada Qowmiyadood, waxaa sidoo kale la sheegay in rabshadahan ku barakaceen dad ka badan 600-qof oo guryahooda uga baxsaday cabsi a ka qabaan in dhibaato la gaarsiiyo.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo ka tirsan booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in odayaal dhaqameedyada labada dhinac ay kala kaashaneyso xallinta khilaafaadka u dhaxeeya labada Qowmiyadood si looga hortago rabshado kale uu dhiig ku daato.

 

Back to top button