FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l FREE FILMS l DOCUMENTARY l  PROFILE l FREE STUFF

 
 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Raaliya ninkii helaa raganimo ku faana.

 

 

Raaliya ninkii helaa raganimo ku faana.
 

Raalliyo Ninkii Helaa Ragannimo Ku Faana! waxay ku jirtaa kala

hagaajinta guriga, qurxintiisa, carfintiisa iyo iyada qudheeda nadaaminta

jirkeeda iyo nadiijintiisa ayay ku howlantahay. Aalaaba xilliyadan oo

kale, marka uu cali ka imaanayo shaqada caruurtuna ay iskuul iyo

dugsi ku kala maqan yihiin waxay iyadu ku dadaashaa soo dhoweynta

seygeeda iyo sidii uu uga maqsuudi lahaa raallliyanimadeeda, waxay u

sii diyaarisaa cunnadiisa, qubeyskiisa, iyo hadallo macaan oo ay ugu l

aab qaboojineyso. mas,uuliyad weyn ayay iska saartaa arrintaas waxayna

ka dhigtaa wax nolol maalmeedkeeda ka mid ah iyo salaad farad ah oo

aanay ilaawi karin oo kale marka uu yimaado waxay ku qaabishaa

dhoolla cadeyn iyo muuqaal soo jiidasho leh, intaa ka dibna waxay ka

wareysataa wuxuu shaqada kala soo kulmay waxay illlowsiisaa daalkii

uu maanta daallanaa, waxay u sii diyaarisaa inta uu qubeyska ku maqan

yahay cunno aad u macaan. wuxuu u soo hiloobaa gacaltooyada gurigiisa

taalla ,

 

 

 

wuxuu aad uga helaa carruurtiisa lagu barbaariyay akhlaaqda

wanaagsan iyo ixtiraamka Aabahood. marka ay carruurtu ka yimaadaan

dugsiga iyo iskuulka aabahood weji farxad leh ayay ku soo dhoweeyaan,

inta dhinacyada ka kala maraan ayay dhabannada ka dhunkadaan, xilligaas c

ali wuxuu dareemaa naxariis xad dhaaf ah. carruurtu, hooyadood waxay mar

walba dhegta ugu sheegtaa in aabahood uu iyaga u dadaalayo, u ordayo oo

aysan jirin ced kale oo uu u soo shaqeeyo xilligaas carruurtu waxay dareemaan

in aabahood uu jecelyahay waxayna go,aansadaan in ay baarri u noqdaan. hadal

kama soo daba celiso, wax walba oo uu yiraahdana waxay ka qaadataa oo ay

ka eegtaa dhanka wanaagga, hadii uu qaldamo waxay soo xusuusisaa alle, marnaba

ma ogolaato in arrimahooda ay u baxaan banaanka, ceebaha seygeeda uma sheegto

aadmi kale, waxay fartaa mar walba wanaagga, marka uu murugeysan yahay wey la

qeybsataa weyna ka baabi,isaa cabsida, marka uu faraxsan yahay waxay dareensiisaa

in ay la faraxsantahay, qaraabadiisa iyo xigtadiisa way ka soo dhoweysataa dadka kale

si weyn ayayna u ixtiraamtaa, mararka qaar wey soo booqataa, ma aado meel uusan

ogeyn mana sameyso wax uusan la ogeyn, gurigiisa uma ogolaato qof uusan raalli ka

ahayn, waxay u dhowrtaa amaanadiisa. kolka uu xanaaqo wey dejisaa , waxayna ku

tiraahdaa erayo uu ku dareemo naxariis, marka uu wanaag u sameeyo wey u mahad

celisaa una sheegtaa in ay ku mahadineyso allihii seygeeda ka dhigay xilligaas oo uu ku

qanco cali. cali isagu aad ayuu ugu qanacsanyahay xaaskiisa raalliyada ah, wuxuuna

eebbe uga mahad celiyaa sida uu uga sarreysiiyay rag badan, uuna marwadiisa ka

dhigay gabar wanaagsan oo diinta ku xiran. dhamaan ragga magaalada ee asxaabtiisa

ah wey faaniyaan cali kuna tilmaamaan nin jecel dadka oo taakuleeya, gurigiisa ku soo

dhoweeya, ixtiraama iyo in uu yahay nin aad u nasiib badan dabeecad wanaagsanna

uu ilaah siiyay, cali isagu wuu ogyahay in hadii aysan marwadiisa wanaagsaneyn uusan

yeelan lahayn wax weji ah bulshadana uu ka ahaan lahaa dadka la yaso la caayo lana

xanto. gurigiisa xilliga uu joogo ayuu dareemaa in uu ku dhex jiro jannada dunida, hadaba

gabar walba amaba marwo walba waa in ay ku dayataa gabadhaas wanaagsan sidaa oo

kalana ay ula dhaqantaa seygeeda ogaada gabdhow adinka ayaa sharaf u yeeli kara

raggiinna adinka ayaana marada ka dhigi karee. horay ayaa loo yiri

(Raalliyo Ninkii Helaa Ragannimo ku Faana!) Fuaad maxamed cilmi (fuaad deeqsi)


Abdinasir Ahmed Kheyre (Abtiga)
koyla571@hotmail.com

Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay  Saafi Films.
 

 
 

Isku dar liiska Saafi Films

si aad u ogaato marwalba

wixii ugu dambeeyay ee

nagu soo kordhay 

      

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 

 

                                           © Copyright 2003-2009. Saafi Films Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.