Qaybtii Hore Waxa ay inoo
Maraysay Ayada Oo Si kala gooni
Ah loo wada Sheekeysanaayo, Oo
Cabdulaahi si macaan badan
Sheeko ugu Wado Hibo Halka
max,ed deeq iyo farxiyo ay
bilaabayaan sidii ay isku fahmi
lahaayeen sheeko macaan oo
labada Dhinac ah ka dib Hibo
waxa ay Cabdulaahi u Sheegaysaa
in jacaylku uu yahay cudur ama
wax aad u dhib badan oo isla mar
ahaantaana bini aadamku ay aad u
jecelyihiin. cabdulaahina waxa
uu ku raacay hibo arinkaa
waxaana uu ku yiri hibo
abaayomacaan wali jacayl maku
soo maray adiga ahaantaada.?
hibo ayaa ku tiri aboowe qofka
bini aadamka ah xiligan oo kale
ma ahaado jacayl la,aan laakiin
waxaa dhici karta qofka uu
jeclaaday in uu ka cabsanaayo
sidii uu ugu sheegan lahaa amaba
qofka la jeclaaday uu noqon
karaa qof aanan waxba ka
fahansanayn amaba ka
dareensanayn macnaha jacaylka,
ayada oo intaana sii raacisay
wixii aad qarsataa waa ay ku
qarsadaan aboowe macaane jacayl
aanan horay u arkin ayaan adiga
kuu qaaday barashadaadii ka dib
ee maxaad ka leedahay arinkaa.?
Cabdulaahi oo si yaab leh u
arkayay hadalkaa isla mar
ahaantaana u arkayay mid jaanis
ah maadaama hibo ay tahay gabar
u qalanta in jacayl lala wadaaga
ayaa ku yiri abaayo arinkaa ma
mid maskaxdaada ka soo go,ay baa
Mise waa mid aad igula
kaftameeso, Hibo oo dareenkeeda
is badalay ayaa ugu jawaabtay
aboowe wixii aan ku dhihi
lahaaba wajigayga ka aqriso
Cabdulaahi ayaa ugu jawaabay
abaayo macaanto wajigaaga waxaa
iga muuqda daacadnimo run
ahaantiina waxaan ahay qof aad u
nasiib badan hadiiba aan jacayl
kula wadaagaayo adiga oo ah
gabar aad u wanaag badan intaa
markii uu hadalka Marsiinaayay
Waxaa ku soo booday Hibo oo is
Celin la,ayd Markii horeba ayada
oo isku Duubtay labada dhabana
ka shumisay(labada daanka
shumisay) Oo ku tiri Noloshayda
inta ka Dhiman Waxaan ku
noolaanaayaa farxad intii aan
Noolaa jacayl ma aanan Dareemin
laakiin Qalbi biniaadamka ah
waxa uu had iyo jeerba jeclaadaa
qofka Wanaagsan sidaada oo kale
abooowe macaane waxaad tahay
noloshayda.
Cabdulaahi ayaa ku yiri abaayo
macaanto bin,adamka intooda
Nasiibka leh waa dad aad u yar
angina Waxaan ka mid ah Kuwa
Nasiibkooda aadka uu u
Wanaagsanyahay Marka jacayl
horumar leh ayaan isku
rajeynaynaa .
Aamiin aboowe waxaa ku jawaabtay
hibo oo Ilmo jacayl indheheeda
ay Saarnaayeen..
Hadaba hadii hibo ay
jacaylkeedii u sheegatay
Cabdulaahi Halkee buu maraayaa
Haasaawaha jacaylka xambaarsan
ee u dhexeeya Farxiyo iyo Max,ed
deeq asguna waxa uu maraayaa in
laga sheekeystaa jacaylka iyo
Daruufihiisa adag ee uu dadka
marsiiiyaa Waana wax aad u
muhiim ah jacaylku laakiin waa
cudur Halis ah max,ed deeq oo is
Celcelinaayay ayaa ku yiri
farxiyo abaayo aad ayaan uga
helay Dabeecadaada wanaagsan
jacayl in aan kula Qaybsadana
waan doonaayaa ee Sideed u
Aragtaa.?
Farxiyo oo Amakaagsan ayaa ku
tiri aboowe see camal Hada Lee ayaan
is baranay sheeko lee la
Maraayaa ee Maxaa kugu dhacay
Max,ed deeq ayaa is Badalaay
Wajigiisa oo ku yiri abaayo
Qalad ayaan kaa galay iga raali
noqo Waxaad tahay Walaasheeyda
qaaliga ah oo kale .
Farxiyo ayaa inta ay qososhay
ugu jawaabtay aboowe see wax kaa
noqdeen markii aad I Dhahday
jacayl wadaag in aan Noqono baan
rabaa aad baan u Farxay hadana
waxaan is dhahay Amuu kula
kaftamaayaa ma dhab bay kaa
ahayd mise Dheel.?
Max,ed deeq ayaa ugu jawaabay
dhab bay iga ahayd laakiin
walaasheyda qaaliga ah oo I
Dhahaysa see wax kaa noqdeen iyo
waa fududaatay ayaa Ii diiday in
aan mowqifkayga ku adkaystaa ee
ma waxaad I leedahay waan
wadaagi karnaa jacaylka?
Haa waliba si wanaagsan aboowe
waxaa ugu jawaabtay farxiyo
maalinkaa waa maalin Farxadeed
maalin jacayl maalin ay farxad u
tahay lamaanayaasha isku bartay
guriga hibo.
See camal Sheekada waad ku
Dheeraatene Shah mala cabaayo
miyaa waxaa ku tiri caisha oo
ahayd gabadha guriga hibo
shaqaalaha ka ahayd hadii aan
idin qasayna iga raali noqda.
Abaayo macaanto mana qasin ee
inoo keen shaaha waxaa ku tiri
Hibo waliba waxaa intaa dheereed
intii la sheekeysanaayay labo
labada kale ka war qabtay ma
aysan jirin sheeka wada jir ahna
shahii baa ugu horeeyay shaah
iyo macmacaan yar ka dib waxaa
la isku Afgartay in la wada
kulmaa si loo sii dhamaystiraa
hadaladii qabyada ahaa waxaana
la Dhigtay Balan ah in la kulmaa
Maalinka qamiista ah oo xaflada
iskuulka lagu qabnaayo Xarunta
weyn ee Schoolka waana la isku
raacay xiliga ayaa ahaa mid aad
u sii liicayay Maqribnimana lagu
dhowaa balanta sidaa ha inoo
ahaato macasalaamo ayaa la is
yiri
Cabdulaahi iyo sxbkii max,ed
deeqna waxa ay Maalinkaa u ahayd
Maalin farxadeed Halka hibo iyo
Farxiyana Maalinkaa ay u ahayd
Maalin riyo camal ah maadaama ay
heleen labo wiil oo aad u
wanaagsan.
Sheekadeenii qald maan ka galay
qiimaha jacaylka qaybteedii
5-aad iyo maantana halkaa ha
inoo joogto
Raali Galin: dhamaan
aqristayaasha saafifilms waxaan
ka raali galinaynaa soo
daahitaanka qayta 5-aad anaga oo
u balan qaadayna in aan si
dhaqso ah u soo saari doono
qaybaha soo aadan mahad
sanidiin