FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l FREE FILMS l DOCUMENTARY l  PROFILE l FREE STUFF

 
 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 
 

 

Qalad maanka galay qiimaha jaceylka.

 

 

Part 12

Qaybteenii hore waxa ay inoo maraysay max,ed deeq oo ka dayrinaaya horumarka uu ka gaari doono jacaylkiisa iyo cabdulaahi oo u sheegaaya in ay arinkan ku dhacday qadar balse aysan saamayn ku yeelan doonin xiriirka u dhexeeyay isaga iyo gacaladiisa farxiyo .

Qaybteena manta waxa ay tahay farxiyo ayaa si taa la mid ah ka qoomamaynaysa waxa dhacay maalinka uu baxaayay jacayl wadaageeda max,ed deeq walee waa la kala war la,yahay max,ed deeqna ruusha ayuu ku cabanaayaa saaxiibkii kana deyrinaayaa jacayl xun oo haya oo aanan alala qabin farxiyana waxa ay isku canaanaysaa muqdisho ayada oo aaminsan in ay qalad jacayl gashay balse talada waxaa ku dhex jira labada is haysta oo kala ah cabdulaahi iyo hibo oo farxad iyo dareen jacaylba isku macsalaameeyay

Waa run waana wax aad u dhib badan dad is jecel oo aan warba isku haynin qof walibana uu aaminsanyahay in uu ku suganyahay marxalad amaba aan iraahdee xaalad aad u adag balse waxaa fiicnaan lahayd qof u kala gudbiyaa fakaradooda .

 

 

 

Waa aamlin nimo jimcaha ah dhalinyaraduna intooda badan waxa ay isku diyaarinaayeen in ay habeenkaa ka qeyb qaataan ruwaayad aad umacaaan oo jacayl ah kana soconaysay tiyaatarka soomaaliya (nationalteatre) Somalia waxaana habeenkaa dadka aadka u xiiseynaayay ka mid ahaa hibo iyo farxiyo oo labaduba jacayl hayo aadna u danaynayay in ay soo daawadaaan ruwaayadaa aadka loo wada xiiseeynaayay oo ay dhigayeen amaba ay soo bandhigayeen hobolada durdur ee ka mid ahaa kooxihii fanka ee ka dhisnaa dalka Somalia.

Waxaa la gaaray xiligii lagu balansanaa in la aado ruwaayada waxaana si wanaagsan u soo labistay hibo iyo saaxiibteed farxiyo oo habeenkaa xili hore u sii diyaar garoobay waxa ayna soo gaareen tiyaatarka oo wax yar ay ka dhimantahay bilaabashada ruwaayada waxaana lagu furay hees aad u macaan oo uu ku uqaynayay cabdulaahi shariif baastoow oo ka mid ahaa hobolada ugu caansanaa durudr heestuna waxa ay ahayd sida tan:-

dab markaan ku jogsadaan damqada
daad markuu i qaadaan ka durkaa
dano markey i gaadhaan dulqaataa
doqoni hadal ma deysee
markey dano i dhaaftaan daba ordaa
talo markey i deysaan dabogalaa
dib u fiirsan maayee
darbiga waan iska jiidhaya ani
dariiqaan mar idhaahdaba
dudiniyo daboodiyo
dogob baa ku go'anoo
waaba la iiga darayaa
dakano dusheyda dayoo
daqar jacaylka dayoo
daawa la'aantiisa daya'oo
daawo li'idey daya oo

aqal aan dadneybaan dugashadaa
daal iyo xanuun baan la degaa
jacayl aan dameyn baan dul joogaa
doqoni hadal ma deysee
markey dano i dhaaftaan daba ordaa
talo markey i deysaan dabogalaa
dib u fiirsan maayee
darbiga waan iska jiidhaya ani
dariiqaan mar idhaahdaba
dudiniyo daboodiyo
dogob baa ku go'anoo
waaba la iiga darayaa
dakano dusheyda dayoo
daqar jacaylka dayoo
daawa la'aantiisa daya'oo
daawo li'idey daya oo

mar qura ayaa loo wada sacab tumay marka ay heestu dhamaatay farxiyo waxa yak u jirtay dadka u malaynayay in ay heestuba saameyn ku leedahay ayada waxaana ay ku tiraahdaa saaxiibadeey hibo abaayo waxa uu fanaanku ka hadlaayo waaba aniga iyo dad ila mid ah heestu aniga ayeey I taabanaysaa toloow ma daawo la,aan ayaan noqon doonaa mise daawadeyda waa la heli doonaa hibo ayaa ugu jawaabtay midaas waa mid u baahan in la ogaadaa maalinka bari ah waxaan warqad boostada u dhigaayaa gacaliyaheeyga cabdulaahi adigana soo diyaarso una sheego dhibka ku heysta kana sagootis la,aantii aad ku dhigtay

waxaa hadalka qaatay farxiyo oo u sheegtay saaxiibteey in aysan heysanin bostada qofka ay rabto in ay warqada u dirsataa midaa miyaa dhib leh tan cabdulaahi ayaan labaduba ku direenaa waxaa tiri hibo mahadsanid abaayo waa inoo bari iyo in aan caawa soo diyaarsadaa warqada aan u diraayo qofka qalbigayga hantay waxaana rajeeynaayaa in uu dawo ii helaa uusan kaligeey igu siideynin abaayo waxa ay ahayd gabagabadii hadalka dhex maray hibo iyo saaxiibadeed farxiyo ruwaayadii marka ay dhamaatayna waxa ay soo aadeen xaafadooda waxa ayna kala galeen qolkoodii jiifka .

sheekadeenii qalad maan ka galay qiimaha jacaylka qaybteedii 12-aad iyo manta halkaa ha inoo joogto


Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay  Saafi Films.

 

------------------------------------------------------------------

W.D: Xasan Kaafi Cabdi Raxmaan.{Kaafi Sheeno}

 

E-Mail:-caaqilkaka@hotmail.com

-----------------------------------------------
 

 
 

Isku dar liiska Saafi Films

si aad u ogaato marwalba

wixii ugu dambeeyay ee

nagu soo kordhay 

      

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
   

 

                                           © Copyright 2003-2009. Saafi Films Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.