FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l FREE FILMS l DOCUMENTARY l  PROFILE l FREE STUFF

 
 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 
 

 

Qalad maanka galay qiimaha jaceylka.

 

 

Part 11

 

Sheekadeena qaybteedii hore waxa ay inoo mareeysay hibo oo uga waramaysa saaxiibadeed farxiyo guusha ay ka gaartay jacaylkeeda iyo qaabka ay isku macsalaameeyeen gacaliyeheeda cabdulaahi qaybteena manta waxa ay ka bilaabanaysaa

Safarkii cabdulaahi iyo max,ud oo ay ku gaareen dalka rushka caasimadiisa mosko oo ah meel aad u qaboow badan halkaas oo ay diyaaradii la caga d higatay isla mar ahaantaana lagu soo dhoweeyay garoonka soo dhoweyn ka dibna waxaa qaaday dhankaa iyo guryihii jaamacada ay gali lahaayeen looga diyaariyay mosko.

 

 

 

Markii ay gaareen guryihiin ardaydii waxa ay si wanaagsan u kala aadeen qof waliba iyo meeshii loogu tala galay waxaana nasiiku isku saaciday cabdulaahi iyo max,ed deeq oo wada socday in ay dagaan laba qol oo isku go,an wax wada qabsina uu ka dhexeeynaayo farxad iyo nasiib wanaag ay ku farxeen labadooduba waxa ay si mar mar ah u qaateen shaawar aad u macaan macan biyuna waa kuleel maadaama dalka ruushaka uu yahay wadan aad u qaboow barafkana uu wax lacag ah ka gadnayn sheeko aan badnayn ka dib waa la seexday maadaama safar aad u dheer laga imaaday kaa soo looga soo amba baxay soomaliya laguna jogo bariga yurub oo xiligaa inta badan dowladahaasi loo yaqaanay midowga suufiyeeti(USSR).

Daalka haayay habeenkaa waxaad moodaa cabdulaahi iyo sxbkiis max,ed deeq hadii la garaacayo xitaa in aysan ka kacayn wiixi la hurdaaba waxaa la gaaray subax khamiis ah subaxwanaagsan sxb wanaagsan oo wacan waxaa isugu jawaabay cabdulaahi iyo saaxiibkiis waxaana loo anba baxay halkaa iyo filekii lagu doonanayay quraacda quraacdii ka dibna waxaa si toos ah loo aadayay holka khudbooyinka jaamacada si subaxaa loo qaataa khudbada ugu horeysa ee loo jeediyo ardayda u timaaday waxbarashada si loogu guubaabiyo waxbarashadooda khudbadii kadib waxaalagu soo laabtay guryihii cabdulaahina waxa uu bilaabay sheekadii max,ud iyo farxiyo isaga oo max,ud ka dhaadhicinayay in farxiyo ay tahay gabar wanaagsan laakiin maalinkaa qadarta ay ahayd in macsalaamaynta ay ka maqnaataa max,ed deeqna waxa ugu jawaabay adiga waa lagu sooo macsalaameeyay nasiib ayaadna leedahay laakiin aniga ma aqaano meesha ay wax iga haystaan toloow ma dhib hore ayaan gaystay halkee baa la iga haystaa

Maya sxb waxaan waa qadar ee adiga qiimee jacaylka qalqalkana iska ilaali qalbigaagana ku hay qiimayn jacayllka qaladna ka ilaali

Sheekadeenii qalad maan ka galay qiimaha jacaylka qaybteedii 11-aad iyo manta halkaa ha inoo joogto


Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay  Saafi Films.

 

------------------------------------------------------------------

W.D: Xasan Kaafi Cabdi Raxmaan.{Kaafi Sheeno}

 

E-Mail:-caaqilkaka@hotmail.com

-----------------------------------------------
 

 
 

Isku dar liiska Saafi Films

si aad u ogaato marwalba

wixii ugu dambeeyay ee

nagu soo kordhay 

      

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
   

 

                                           © Copyright 2003-2009. Saafi Films Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.