NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 
 

 

Qalad maan ka galay qiimaha jacaylka

 

 qaybteedii 1 aaad‏
 
asc wr wb dhamaan aqristayaal meel waliba oo aad joogtaan kuna soo dhowaada sheekadeenii qalad maan ka galay qiimaha jacylka oo ah sheeko taariiqi ah xambaarsan jacayl dhab ah  farxad murugo iyo ciil  ahna mid ka mid ah sheekooyinka jacayl ee aanan ugu talo galnay in aad kala socotaan ama aad ka aqrisataan websitekeena websitekiina websiteka soomali oo dhan iyo bulshada jecel sheekooyinka jacaylka    www.saafifilms.com


 

 

Sheekadeenii qalad maan ka galay qiimaha jacaylka

qaybteeda 1aad

aqoontu waa iftiinka nolosha iyo hurumarka aadanaha cabdulaahi waa wiil wax ka barta dugsihga sare ee jamaal cabdi naasir ee magaalada muqdisho, isla mar ahaantaana la nool ayeydii oo dagan degmada waaberi ee isla magaalada muqdisho.

cabdulaahi wa wiil aad u fakar badan isla mar ahaantaana og in uu ka dhashay qoys sabool ah oo aanan waxyaalo badan awood u lahaynisaga oo aad u jecel in uu wax ka badalaa maraxalada adag eey ku noolyihiin qoyskooda.

waxa uuna ku jiraa sanadkii ugu dambeeyay ee uu dugsiga sare uga qalin jabin lahaa wuxuuna isku diyaarinaayaa imtixaanka kama dambaysta ah uu uga qalin jabin lahaa dugsiga sare uguna gudbi lahaa mid ka mid ah jaamacadaha dalka waa galab nimo axad ah cabdulaahi wuxuu u socadaa laabereeriga si uu halkaa wax ugu soo aqristaa waxaan asocodkiisa ku wehliya saaxiibkii max,ed deeq oo ay maalinkaa ka muuqato farxad heer sare ah max,ed deeq oo si kaftan ah ula hadlaya saaxiibkii cabdulaahi ayaa ku yiri sxb aduunkan intii la joogo wax waliba waa la arkaaya cabdulaahi oo jacayl galayna ileen sidan oo kale ayuu u ekaadaa laakiin in uu jacayl ku haayo maxaad iiga qarisay sxb xoogaa wax talo ah ayaan ku siin lahaaye.

cabdulaahoi oo dhoola cadeeynaaya ayaa ugu jawaabay sxb waa la igalay miyaa macanaha hadalkaaga qaab noocee ah ayaa laguu galay sxb qosol iyo kafatan kadib waxaa lagaaray laabareerigii waxaana la bilaaway waq aqris wixii wax la aqriyaaba saacada magaalada muqdisho ayaa is dul taagtay 9:00 habeenimo ayada oo habeenkaa lagu  daahay laabareeriga oo ku yaalay meel ka fog zxaafada cabdulaahi iyo saaxiibkii max,ed deeq laga soo dhaqaaq wax aqriskii ayada oo la soo istaagay boosteekada baabuurta cabdulaahina xaa;lkiisu ma wanaagsana maxaa yeelay ma haysto wax bas raac ah waxa uu si tartiib ah ugu sheegay saaxiibkii max,ed deeq in uusan haynin wax bas raac ah max,ed deeq ayaa ugu jawaabay saaxiib bas raac iyo  casho fududba aniga aya ainoo wada maadaama ay tahay xili dambe gurigiin alaga seexday ee haka walwalin midaa in akeen.

 

 

 

isla mara ahaantiiba baskii baa soo istaagay boosteejada waana la soo raacay si lama filaan ah baska waxaa soo raacday hibo oo ah gabadh aad u bilicsan isla mar ahaantaana iskuulka la dhigato cabdulaahi oonan oghayn hibo in ay iskuulka la dhigato ayaa si kaftan ah saaxiibkii max,ed deeq ugu sheegay in baska ay saarantahay gabadh aad u bilicsan max,ed deeq ayaa si tartiib ah u eegay misna waa hiba oo iskuulka la dhigato.

sheekadeenii qalad maan ka galay qiimaha jacaylka qaybteedii 1aad iyo maanta halkaa ha inoo joogto

w/q xasan kaafi cabdi raxmaan sheekh(kaafisheeno)

Xasan Kaafi Cabdi Raxmaan
caaqilkaka@hotmail.com
Xafiiska Saafi Films ee Qaahira Egypt
Kaafi Sheeno

 

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.