NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 

 

 

Qalad Maan Ka Galay Qiimaha Jaceylka ?

 

Part 9

Farxadu waa tiirka ugu muhiimsan nolosha anigana waxaan diyaar u ahay sidii aan ku heli lahaay farxadeeyda iyo sidii aan daacad ugu sii ahaan lahaa jacaylka xad dhaafka ah aan

kuu qabo waxaa tiri hibo.

Warsan iyo wanaag ka weecan maayoo wacad iyo jacayl wareerin maayee macaaneey

midaas maankaaga ku heey waxa ay ahayd hadalkii ugu dambeeyay ee dhexmaray cabdulaahi iyo gacalisadiisa hibo waxaana daqiiqado ka dib loo amaba baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho ayada oo waliba si macaan badan lamaanahaasi uu u dhex marayay hadalo naxariis badan oo ey isku tuur tuurayeen wax yar ka dib waxa ala gaaray gigida caalamiga ah ee magaalada muqdisho oo ku taalay meel aan aad uga fogayn halka uu daganaa cabdulaaahi halkaasi oo ay dad badan diyaar u ahaayeen sagootinta ardayda u amba baxaysa ruushka oo cabdulaahina uu ka mid ahaa waxaa halkaa ku dhamaa dhamaan ardayda iyo macalimiinta intooda danaynaysay in ay sagootiyaan ardaydooda ku guulaysatay in ay helaan waxbarashada dibada ah waxaa maalinkaaa si aan caadi ahayn u soo labistay max,ed deeq laakiinse nasiib daro waxaa meesha ka maqnaa gacalisadiisa farxiyo laakiin waxaa sagiitisay booskeedan mataleeysay hibo oo u sheegtay max,ed deeq in maalinkaa aasaga ah farxiyo ay xanuunsanayd waxa uuna ku yiri sidan:

macana maleh aduunyada

maalinba wax ayaa jira

midii aan jeclaayee

maankayga ku taalay

macsalaamo iyo bye

midna kama aanan helin

mushkilaan ku baxaayaa

ee midan iga geey

meel kastoo aan joogiyo

maqaamkastoon istaagaba

maankaygaeey ku taalaa

midna siisan maayo

macaanteeyda aduunka

Sidaasina waxaa fariin ahaan u fartay max,ed deeq waxii la is macsalaameeyaba waxaa diyaar soo noqotay diyaaradii qaadi lahayd rakaabka oo ay ka mid yihiin cabdulaahi iyo sxbkiis max,ed deeq waxaana bilaabatay in dad badan ay aadaan dhankaa iyo diyaarada waxaa isgaa markaa ka raagay cabdulaahi isaga oo si aan caadi ahayn gacanta uga dhagan sxbtiis hibo una sheegaya in ay is heli doonaan marnaba uusan hilaamai doonin jacaylkeeda ayadana ay ku dadaashaaa sidii ay ku haysan lahayd kalsoonida gacaliyeheeda cabdulaahi

macaanooy cabdulaaahi midbaan doonaayaaa in aan ku iraahdo waxa ayna tahay dunidan inta aan ku noolahay da,yartaaan maanta joogto kii aan ka doortay in aaan tahay darajo iyo qiimayn iyo mudnaan gaar ah ayaaad agtayda ku leedahay ee midaas ku bax oo

dhaqaaq oo hawada qaad

dhulka taako taako dharaartii dhalaan nimo

gadaadiidkuna midaan dhicin

dheelmiyay ninkii raac dhaqsa meel walboow taga

dhoof dhoof dhoof nooli kulantee ha dhantaalin caashaqa dhaqsa iigu soo noqo

cabdulaahi ayaa ilmo ku soo istaagtay ka dib markii loo adeegsaday heestii kuluc iyo magool waxa uuna ku yiri isaga oo heeskii sii raacaya :

jacayl aan dhamaanayn

jacayl aan i dhaafeyn jacaylki dhulkeeygiyo

halkan igu dhibaayaan dabad u dhoofinaayaa

waansa dhiibi doonaha dhambaal iyo waraaqaan

dhiig ku soo qoraaayaa

dhowr dhowr dhowr nabad ku sii joog ha dhantaalin caashaqa dhaqsa waan u soo noqon

intaa markii ay afkiisa ka sii dhamaanaysayna waxa uu aaday dhankaa iyo diyaarada hibana waxa ay soo aaday halkaa iyo dhankii gawaarida sagootinta ka laabanaysay ayada oo maalinkaa xaaladeedu aysan caadi ahayn

sheekadeenii qalad maan ka galay qiimaha jacaylka qaybteedii 9-aad iyo maantana halkaa ha inoo joogto

------------------------------------------------------------

W.D: Xasan Kaafi Cabdi Raxmaan.{Kaafi Sheeno}

 

E-Mail:-caaqilkaka@hotmail.com

-------------------------------------------

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.