NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 

 

 

Qalad Maan Ka Galay Qiimaha Jaceylka ?

 

Part 8

 

Qaybtii hore waxa ay inoo mareeysay ayada oo Hibo taleefoonka

kula hadleeso Cabdulaahi isla mar ahaantaana u sheegeeyso in

ay dooneeyso in ay is arkaan inta uusan u amba bixin jaamacada

Qeybteena maantana waxa ay ka bilaabanaysaa cabdulaahi

oo aqbalay kulanka uu la yeelan doono hibo balse waxaa yaab

iyo amankaag ku ahaa cabdulaahi hadaladii uu ka maqlay

ayeeyo xaliimo oo ahaa in la siin doono gabr ay isku qoys

ka soo wada jeedaan balse cabdulaahi waxa uu diyaar u ahaa

in uu u sheegaa gabadha hibo ah in uu jaamacada inta uusan aadin

isku dayi doono in ay ka sal gaaraan jacaylkooda ugubka

ah sidii u u sii jiri lahaa ugana badbaadi lahaa wax kasta

oo caqabad ku noqon kara amaba is dul taagi kara

talo waa tii ilaaheey balse talo ayaa ka maqan cabdulaahi

waqtiga waxa uu isa soo guraaba cabdulaahi waxa uu

la balamay gacalisadiisa hibo si ay uga wada hadlaan arimaha

ay hibi sheegeeyso in ay ka wada hadlaan inta uusan bixin

waxaana la gaaray xiligii lagu balamay in la is arkaa oo

la falanqeeyaa howlaha qabyada ka ah ee u baahan in

la meel mariyaa waa galab jimco ah salaada casarna

laga soo baxay jawiguna uu ahaa mid ku wanaagsan

kulan labo qof oo jacayl wadaah ah amaba isku wanaagsan

oo xiligaa asaga ah ka faaiideeystaa hawada wanaagsan

ee magaalada muqdisho cabdulaahina waxa uu soo aaday

halkii uu kula balansanaa saaxiibtiis hibo waana uu soo gaaray

waxa si wanaagsanoo waliba farxadi ku dheehantahay

u soo dhoweeysay saaxiibtiis hibo

Salaan iyo is mar xabayn

ka dibna waxaa loo dhaqaaqay halkaa iyo gurigi hibo oo maalinkaa

si wanaagsan loogu diyaariyay imaanshaha saaxiibkeed

amaba gacaliyeheeda cabdulaahi waxaana la soo gaaray gurigii

ayada oo isla mar ahaantaaba la abaaray qolkii fadhiga ahaa

ee looga wada hadli lahaa arimaha u gaarka aha labadaasi

lamaane oo kala dheeraanaya amaba aan isku dhowaan doonin

mudo labo sano ah xoogaa cabitaan ah iyo macmacaan

loogu talo galay kulankaas ayaa meeshii lagu taabtay

kadibna waxaa hadalkii qaatay hibo uu ku tiri gacaliye

sida aan ogsoonahay waxaa soo dhowaaday safarkaagii

anigana run ahaantii waxa aan kuu qabaa jacayl aan xad lahayn

adigana waxa aad gali rabataa safar dheer

marka sidee lagu ilaalin karaa jacaylka inoo dhexeeya

ma in aan is guursanaa oo aad iga soo doonataa reerkeena

mise xal kale ayaad haysaaa?

sidaana waxaa tiri hibo cabdulaahi ayaa waxa uu yiri abaayo

macaan run ahaantii hadii aan kaala hadlo

arinka ah soo doonashada run ahaantii waa arin aad u wanaagsan

laakiin maxaa dhici kara hadii aan kaa tago aniga oo ku qaba

sideesa ku heli kartaa faraxad dhamaystiran adiga oo gacaliyahaaga

uu kaa maqanyahay

Sheekadeenii Qalad maan Ka Galay Qiimaha Jacaylka Qaybteedii 8 -Aad Halkaa Ha Inoo Joogto

W/d Xasan Kaafi Cabdi Raxmaan Sheekh (Caaqil  Kaka)

------------------------------------------------------------

W.D: Xasan Kaafi Cabdi Raxmaan.{Kaafi Sheeno}

 

E-Mail:-caaqilkaka@hotmail.com

-------------------------------------------

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.