NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 

 

 

DEDE KOSWARA NINKII GEEDKA AHAA
 

 

Dede Koswara oo u dhashay dalka Indonesia ayaa ka mid noqday 10 ugu mucjiso badan adduunka ka dib marki labadiisa lugood (cagaha) iyo labadiisa gacmood ay kasoo baxeen geedo, Dede kuma dhalan cudurkaan ee waxaa sababay dhaawac kasoo gaaray jilibka markii uu 15 jir ahaa iskuna bedelay honqoro kasoo baxay korkiisa iyagoo u batay gacmaha iyo lugaha, dhaqaatiirka aduunka ugu waaween ayaa aad ugu wal washay cudurka haayo Dede iyadoo laga qaaday dheecaano kala duwan si loo ogaado cudurkaan ama xal looogu helo mustaqbalka haddii uu cudur kaa la mid ah yimaado.
 

 

Dade oo dhexda ka fadhiyo geedaha una ekaaday geedaha

 

 

Sheekada iyo muuqaalka Dede ayaa waxay Aduunka ku noqotay mucjiso sida aad arkaysaan Dede oo ku dhex sawiran geedaha isagoo u ekaaday kadib markii uu jirkiisa u baxay sida xididada geeda, cudurkaani ayaa dhaqaatiirta caalamka la yaabeen ayaa waxaa lagu sifeeyay inuu yahay mucjiso rabaani ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dede ka hor intaanan qaliinka lagu sameynin oo ka murugeysan geedaha ku baxay

 

 

Dede oo ah 37 dhalay labo caruur ah waxay kala tageen hooyadii caruurtiisa wuxuu sheegay inay ku adkaatay sidii uu masruufi lahaa caruurtiisa, Dede ayaa xal looga helay wadankiisa April sanadkaan lana jiifiyay Hospital ku yaala Indonesia , waxaana laga guray in ka badan 10 kiilo oo geedo ah waxaana u suura gashay xilligaan inuu dirsan karo Qoraalka Telefoonada Gacanta ka baxo (Text Messages) sidoo kale waxa uu cuni karaa cunada qaar iyo qudaarta sida mooska oo kale.
 Ateng Koswara oo ah aabaha Dede ayaa sheegay in wiilkiisa uu markaan xiran karo dacaska socodkiisana dheeli tirmay Ateng waxaa uu intaasi raaciyay inuu wiilkiisa yahay dhalinyaro uuna u diyaarinaayo inuu dib u guursado

 

 

 

 

 

 

Dede oo cabitaan cabayo qaliinka ka dib

 

 

 

 

 

 

 

Dede oo markii ugu horeysay muddo badan ka dib ku cunayo moos gacantiisa

 

 

 

 

 

 

 

 

Dede oo qoraayo SMS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gacantiisa oo dusha ka saaran mobile-kiisa qaliinka ka dib

 

 

 

 

 

 

-------------------------------------------------------------

Ahmednero
Muuqaal Online
webmaster@muuqaal.com

 

-------------------------------------------

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.