Mid ka mid ah ergadii shirweynaha Jubbaland oo Kismaayo lagu dilay iyo warar sheegaya in loo…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in la diley mid ka mid ah ergaddii u codeysay Sheekh Axmed Madoobe in uu noqdo madaxweynaha Jubbaland, ninka la diley oo ah nin oday ah si weyna looga yaqaanay gobolada jubboyinka dhexdooda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Mahdi waxaana uu shirka ka soo aaday oo ka yimid dalka Koonfur Afrika.
Dowladda Kenya oo ku baaqday in ciidamada AMISOM la kordhiyo, lana gaarsiiyo…
Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa u ololeynaya in Midowga Afrika tirada ciidamada ee ka jooga dalka Soomaaliya kor u qaadan, ayaa yiri: Deganaansho la’aanta siyaasadda ee Soomaaliya ayaa horseed ka noqotay in hubka fudud iyo weerarada waxa uu ugu yeeray argagixisadu ka soo talaabaan xuduudka Kenya la wadaagto Soomaaliya, “Waxaan dooneynaa in aan dejino dalka Soomaaliya si dhamaystiran, Maqnaanshaha dowlad dejisa Soomaaliyana waxay Cadaadis badan ku haysaa Kenya, ayuu yiri Ruuto ku-xigeenka Madaxweynaha Kenya mar uu la kulmaayey Madaxweynayaasha Dalalka Kongo Brazzaville, iyo Madaxweynayaal kale
Madaxwaynaha Kilinka 5aad ee Itoobiya:- Difaacidda maamulka Jubaland dhiig ayaan u huraynaa
Warsaxafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee magaalada Jigjiga ee dowladda deeganka Soomaalida ee Itoobiya oo uu ku sixiixnaa Madaxwaynaha DDS ee Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa waxaa hanbalyo loogu diray madaxwaynaha cusub ee juba-land,(sh, Axmed maxamed islaam Axmed Madoobe.
Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya kulan Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee IGAD
Urur-goboleedka IGAD ayaa sheegay inay tixgelinayaan midnimada iyo dastuurka u yaalla Soomaaliya, xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka wal-walsan tahay maamullada dhowaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo, xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD Maxbuub Macalim oo isaga iyo wafdi la socday ay shalay Muqdisho kula kulmeen madaxda sare ee dalka sida Madaxweynaha iyo Ra,iisulwasaaraha ayaa sheegay in IGAD ay mar kasta u taagan tahay horumarinta dalalka ku bahoobay oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Fartaag oo waraysi kaga hadlay xiliga la dhamaystirayo inta ka dhiman Jubaland
Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil fartaag oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubaland garabka Axmed Madoobe ayaa waxa uu shaaca ka qaaday xiliga ay la dhisayo barlamanka iyo Golaha wasiiradda Maamulka.
Howlgalo maalmihii u dambeeyay ciidamada Kenya ka wadeen magaalada Gaarisa ee gobolka NFD ayaa saameeyay qaar ka mid ah ganacsatada oo ka hadlay sida uu u sameeyay howlgalka.