Wariye Cabdi Caziiz Koronto Oo Weli Xabsiga Ku Jira,iyo Haweenaydii ay Kufsadeen Ciidanka DF-ka Oo Caafimaadkeeda Laga Deyriyay.
Waxaa Markalen dib loo dhigay dacwa qaadistii Wariye Cabdi Caziiz koronto oo DF-ka si sharci darra ah ugu xiran iyadoona saraakiisha dhanka Garsoorka ay isku tuurturayaan kiiska Wariyaha.
Ilo wareedyo laga helay xafiiska R/wasaare Saacid ayaa sheegay in Xariga Koronto uu amarkiisa bixiyay Xasan Sheekh Maxamuud oo xariir wanaagsan uusan kala dhaxayn saxaafadda.
Shaleey ayaa maxkamadda lasoo istaajiyay Koronto waxaana la sheegay in racfaanka dib loo dhigay arrinkaasi oo daliil u ah DF-ka ay wariyaasha kale ee banaanka jooga digniin uga dhigayso “Kufsiga Ciidankeena waxba kama sheegi kartaan”.
Haweenay lagu eedeeyay inuu kufsaday wariyaha balse ay 7 katirsan Ciidanka DF-ka kufsadeen ayaa iyana xabsiga ku dhibaateysan
Ninka ay u dhaxday haweenayda dhibanaha ah ayaa xaqiijiyay in xaaskiisa kufsi ay kula kaceen mooryaan katirsan DF-ka kadibna markii ay warbaahinta ka hadashay Xabsiga lagu tuuray.
“Xaaskeyga waa Nabar igu yaal aniga ayaana og in ciidan DF katirsan kufsadeen”ayuu yiri Ninka Xaaskiisa lagu xad gudbay.
Tacadiyada aadka u xun oo ay ciidanka DF-ka ugeystaan haweenka ayaa ku soo batay magaaloyinka ay gacan ku hayaan ciidamada dolwada & kuwa Amison waxaana laga yaabaa in saxaafadda Muqdisho Afka ka qabsato maadaama saxafigii ka hadlay kuf ay geysteen ciidamada Dowlada Federaalaka Somaliya Xabsi lagu dhigayo.
Warar shegaayo in Madaxweynaha Somalia oo Xil ka Qaadis Ku Sameynaya Raisul Wasaare Saacid Jagadaasna u Magacaabi Raba Ruux ka Soo Jeeda Somaliland
Madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raisul wasaare Saacid ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaafkii ugu xooganaa kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Raisul WQasaare Saacid ka dalbaday in uu xilka iska casilo.
Kadib markii Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mud.Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo laabtay dalka Britain lana soo kulmay Raisul Wasaraha Dalkaasi David Cameron ayay ku soo wada hadleen amaba meel isla soo wada dhigeen in xilka Jagada raisul wasaarenimo loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda deegaanada Somaliland lana sameeyo (Power Sharing) Awood qaybsi.
Ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo ku sii siqaya degaanka Iidaale iyo degmada Diinsoor
Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Itoobiya oo maalmahanba howlgalo milateri ka waday degaaano ka tirsan hareeraha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegay iney horumar wanaagsan sameeyeen.
Sarkaal lagu magacaabo Xasan Isaaq Cumar (Baydhabo) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Bay ayaa warbaahinta u sheegay in labadii maalmood ee u dambeysay ay Al-Shabaab ka saareen tuulooyin ku yaala hareeraha Baydhabo oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada.
“Ciidamadu markii ay nabadiidka ka sifeeyeen hareeraha Baydhabo, waxay hadda cagta saareen wadada u baxda dhinaca degaanka Iidaale iyo degmada Diinsoor oo weli cadowgu uu joogo, maalmaha soo socdana gacanteena ayey soo geli doonaan INSHA ALLAAH” ayuu intaa ku daray.
Xasan Isaaq Cumar (Baydhabo) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay intii ay wadeen howlgalada iney dileen dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo qaarkood caan ahaa, meydkoodana la geeyey magaalada Baydhabo, isagoo xusay in dhinacooda ay ka dhaawacmeen dhowr askari.
FIIRSO: "Hadii lacala Sidan laguugu Sameeyo Maxaad Sameeyn Laheyd"
Muuqaalkii ugu Qosolka badnaa oo aan idiin soo xulnay kaas oo ah mid marka aa daawato marna aad qosli doontid marna aad Xanaaqi Doontid marka aad si fiican u daawato Muuqaalkaan Video-ga ah.
Nin 15 Sanadood Qabri dhexdiisa ku nooL!! Maxaa ku qasbay AKHRISO KUNA CIBRI QAADO
Nin u dhashay Dalka Serbia oo lagu magacaabo Bartislav Stobanovitsh ayaa wuxuu Muddo 15 Sano ah la noolyahay Dadka dhintay ee ku jira Qubuuraha ku yaala halka lagu magacaabo Nis. Wuxuuna Ninkan oo 43 jir ah Qubuuraha dhexdooda ka dhigtay Hoy uu ku noolaado.
Fanaanada reer Lubnaan Mai Hariri oo sheegtay in nin danbe guursan doonin
Fanaanada caanka ah ee ka soo jeeda Dalka Lubnaan Mai Hariri oo waraysi siinaysay TV MBC ayaa sheegtay in qorshaha ugu jirin in ay mar kale guursato nin kale waxa ayna tilmaamtay in wax xiiso ah u hayn mar kale in ay nolal hor leh abuurto .
DAAWO Cuuryaan gacmaha ku socda oo 65 sano Masjid 5-ta salaad ku tukuda
ukashada Salaada waxay ka mid tahay shanta qodob ee aasaaska u ah Islaamnimada, iyadoo ay u tahay hogaan camal kasta oo qofka Muslimka ah uu sameeyo, maadama ay tahay ay ku tahay faral qof kasta oo Muslim ah oo daâ'da qaangaarka gaarey, waana camal xisaabtankiisa iyo ajarkiisa uu leeyahay ALLE subxaanuhu Watacaalla.
Harlem Shake waa hees uu qaaday Fanaanka mareykanka ah ee Baauer sanadkii 1981-kii, bishii Febraayo ee sanadkaan ayaa waxay aad heestaan ay ugu faaftay Youtube iyadoo cod ah laakiin muuqaalo kala duwan loo sameeyay waxaana lagu hakiyay 30 ilbiriqsi (30 second). 15-ka ilbiriqsi ee ugu horeeyay waxaa ciyaaraya hal qof oo kaliya halka dadka kale ay howshooda iska sii wadanayaa ka dibna 15-ka danbe oo music is bedelaysa ayay dadka intii kale isla wada boodaayaan oo ay wada ciyaarayaan.