Daawo Naag Ninkeeda Xubinta Taranka Ka Jartay Kadibna Weelka Qashinka Ku Ridaysa
Dhacdo argagax iyo naxdin leh ayaa ka dhacday wadanka Mareykanka kadib markii ay ninkeeda ka jartay xubinta taranka kadiban ay ku tuurtay xubintii meel qashinka lagu rido.
Deg Deg:- Egypt Air oo ku socotay New York ayaa diyaaradaha dagaalka la daba dhigay laguna dajiyay Prestwick Airport kadib markii ...
Egypt air oo u socotay New York ayaa la daba dhigay laba Tayphoon kuwaasoo ah diyaaradaha dagaalka isla markaana lagu amray in ay ku degato dalka Ingiriiska Prestwick Airport.
Diyaarada ayaa siday in ka baday 300 oo qofood oo rakaab ah sida ay warbaahinta sheegeen, waxaana lagu wadaa in qof qof loo wareysto si loo ogaado dadka ka dambeeyay waraaq laga dhex helay musqusha oo ay ku qorneyd in diyaarada la gubi doono.
Feysal Cali Waraabe oo shaaciyay in dhalinyaroodii ay u soo hayaameen Muqdisho iyo Sababta ku kaliftay arintaasi
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe, oo ka hadlayay kulan looga arinsanayay ka hor tegidda Tahriibka oo ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Xarunta maamulka Somaliland ayaa waxa uu shaaciyay in dhalinyaradiii wax baratay ee degaankaasi in ay Muqdisho u soo hayaameen.
Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Qarax qasaara geystay lala eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadda Wanlaweyn xilli ay halkaasi socdaal ku maraayen.
Daawo Wiilkii Soomaaliga ahaa ee Dabaqa iska soo Tuuray Talyaaniga
Daawo maydka ale haw naxariistee marxuun guuleed maxamuud maxamed oo la sheegay inuu iska tuuray dabaqa 4aad oo ku yaal wadanka Talyaaniga kadib markii sida la sheegay loo diidey sharcigii degeneenshaha iyo kii shaqada.
Dabaqan uu iska soo tuuray marxuumku ayaa waxaa kula noolaa soomaali badan oo gaadheysey ilaa 150 ruux inkastoo ay Booliisku sheegeen inay baadhayaan sababta ninkan dabaqa isaga soo tuuray oo aysan ku qanacsanayn inuu isu soo tuuray sababo la xidhiidha bilaa sharci iyo shaqo la,aan balse ay ka shaki qabaan in dabaqa laga soo tuuray.