(DAAWO VIDEO) War Deg Deg Ah Hogaamiyaashii Kooxaha iyo Xubnihii kale oo hada la Dhaariyay(Aqriso Magacyadooda)
Waxaa hada Xarunta Iskool Buluuziyo ee magaalada Muqdisho uu kasocdo Kulanka Baarlamanaka ee Maanta lagu dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya lagu dhaariyay 20-Xildhibaan oo u badnaa Hogaamiyaashii Kooxaha iyo Xubnihii kale ay dib u celiyeen Gudigii Farsamada.
Xubnahan hada la dhaariyay ayaa u badan Hogaamiyaashii Kooxaha waxaana la filayaa in goordhaw si Toos ah uga qeyb galaan Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya maadaam ay kamid noqdeen Baarlamaanka.