Kulan dalka Itoobiya ku dhexmaray mas置uliyiin ka tirsan Ururka Raaskambooni iyo saraakiil Itoobiyaan ah, loogana hadlay arrinka Kismaayo
Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay gaareen wafdi ka socda ururka Raaskambooni ee ka dagaalama gobolada Jubbooyinka, waxayna halkaasi kulan kula yeesheen mas置uliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya iyo xubno kale oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida ee killinka shanaad ee dalka Itoobiya.
Sida warku sheegayo wafdiga ka socda ururka Raaskambooni ayaa waxaa hogaaminaya madaxda arrimaha dibadda ururka Mukhtaar Sahal iyo Macalin Maxamed Ibraahim, waxaana ay magaalada Addis Ababa kula kulmeen Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar {Cabdi Iley}, iyagoo ka wadahadlay xaaladda deegaanka Jubbooyinka iyo maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo isbedeladii ka dhacay guddaha magaalada Kismaayo iyo shirarka ka socda magaalada Nairobi ee ay soo abaabushay IGAD, kaas oo maamul loogu samayn doono deegaanada Jubbooyinka.
Madaxweyne Cabdi Iley ayaa sheegay inay si fiican u soo dhaweynayaan maamulka loo sameynayo gobolada Jubbooyinka, isla markaasna ay Itoobiya ay gacan weyn ka geysanayso ayna taageerayso maamul u samaynta deegaanka Jubbooyinka, wuxuuna intaasi ku daray in nabadgelyadu ay tahay shayga ugu muhiimsan Geeska Afrika, loona baahanyahay in la taageero nabadgelyada, isagoo sheegay in dowlada Itoobiya sida uu yiri cid walba oo wanaag wax ku dooneysa ay la shaqayn doonto, wixii qas iyo dhib wadana meel looga soo wada jeesan doono.
Sidoo kale warku wuxuu intaasi ku darayaa in wafdiga ay kulamo la qaadan doonaan Ra段sul wasaaraha cusub ee Itoobiya oo u yeeray, kaas oo ay kala hadli doonaan maamul u sameynta magaalada Kismaayo, isla markaasna maamulkaasi gacanta looga gelin lahaa maamulka Raaskambooni ee uu hogaaiyo Axmed Madoobe.
Waa markii ugu horeysay oo mas置uliyiin ka tirsan ururka Raaskaanbooni ay safar ku tagaan magaalada Addis Ababa, kuwaas oo howshoodu tahay siddii xiriir wada shaqeyn ah ay ulla yeelan lahaayeen masuuliyiinta deegaanka Soomaalida, lamana oga halka ay ka sii aadi doonaan magaalada Addis Ababa.