Kenya iyo QM oo isku maan dhaafsan dhaqaalaha loogu talo galay ciidamada dalkaas ka jooga Somalia
Ra’isul wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in wadahadal uu u socdo dowladda Kenya iyo Qaramada Midoobay kaasoo ku saabsan dhaqaalihii ku bixi lahaa ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Raila ayaa tilmaamay in wali Kenya iyo Qaramada Midoobay aysan isla meel dhigin dhaqaalihii ku bixi lahaa ciidamada Kenya ee ku sugan Somalia, iyadoo warar kale oo baxayana ay sheegayaan in arintaas la isku maan dhaafay ka dib markii Kenya ay sheegatay lacago aad uga badan kuwii loo qoondeeyey.
“Weli waxaan wadahadal la wadnaa Qaramada Midoobay oo ah hey’adda qaabilsan qiimaha lacageed ee lagu xoojinayo ciidamada Kenya laga soo bilaabo bishii January ee bilowgii sanadkan illaa iyo bishii bishii August ee la soo dhaafay tani waa arrinta aan weli kala hadleyno Qaramada Midoobay” ayuu yiri Raila Odinga oo intaasi ku daray in howlgalka Kenya ay ka wado Somalia ay uga dhinteen 17-askari halka 5-kalena nolal lagu la’yahay.
Ciidamada Kenya ayaa si rasmi ah ugu biiray howlgalka ciidamada AMISOM bishii July xilligaasi oo Baarlamaanka Kenya uu ansixiyey mooshin la keenay bishii December 2011-kii, ka dib markii 3-billood ka hor ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya taasoo iyana keentay muran kala qeybiyey xubnihii ugu sareeyay dowladdii hore gaar ahaan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra’isul wasaare C/weli Cali Gaas.
Ciidamada Kenya ee soo galay gobolada Jubooyinka ee dalka Somalia ayaa muddo sanad ah ay ku qaadatay iney xoogaga Al-shabaab kala wareegaan magaalada dekeda leh ee Kismaayo, taasoo dad badan ay ku tilmaameen khibrad la’aanta dhinaca milateriga ee ciidamada Kenya maadaama aysan weligood dagaalo gelin iyo dhaqaale ay dooneysay iney beesha caalamka kaga hesho.