Howlgalo ka soconaya Magaladda Walaweyn kadib markii ay la wareegeen ciidamada Huwanta
Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa howlgalo balaaran ka wada degmada Walaweyn ee gobolka Sh/Hoose.
Howlgaladan ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom ay xalay gudaha ugaleen qeybo kamid ah degmadaas Walaweyn.
Ciidamada ayaa xarumo ka samaystay gudaha degmada sida Saldhigii magaaladda, xarunta Magaaladda iyo qeybo kale oo ay ku jiraan wadooyinka soo gala kana baxa magaaladda.
Dad kusugan Walaweyn waxaa ay sheegeen in howlgalada intooda badan lagu baadi goobayo kooxo Shabaab katirsan oo Magaaladda kusugan.
Abaanduulaha ciidamada XDS Generaal C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan ayaa sheegay in ciidamada ay si taxadar leh ku galeen Magaaladda isla markaana ay wadaan howlgalo balaaran.
Qabashada degmada Walaweyn ee ciidamada dowlada ayaa ka dhigaysa in Shabaab hada ay Magaaladda kaga sugan yihiin oo kaliya degmada Baraawe.