MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Alshabaab isku dhiibay ciidamadda Dowladda ee Jubooyinka
Saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida ee dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen oo ay ka qabqabteen guri ku yaalay gudaha magaaladda kismaayo in ka badan 40 Shabaab ah oo iyagu halkaasi ku dhuumaleysanayay, iyagoo xiligaasina ku hubeysnaa hub iyo walxa qarxa

Saraakiisha ciidamadda dawladda oo iyagu in dhawalaba ku hawlanaa ay ku baacsanayeen kooxdaasi ayeey ku soo qab qabteen Dagaalyahaano Alshabaab ka firxadkii kooxdaasi l-Shabaab waxey hawlgalo ka sameeyeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayadoo howlgalkaasina lagu khaarijiyey tiro Maleeshiyaad ah gaarayay ilaa 5 ruux oo iyagu hubeysnaa halka kuwo kalena nolosha lagu qabtay, kuwaasi oo garayay in ka badan 40 ruux sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamadda dawladda ee qabsaday gobolkaasi jubadda hoose

Howlgalladan oo ahaa kuwo ay Ciidammadu huwanta ah ka sameeyeen gudaha magaalada Kismaayo shalay iyo manta ayaa waxaa lagu khaarijiyey Shan ka mid ahaa Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo bambaanooyin iyo bastoollado ku hubeysnaa xiliga la dilayey waxaana lagu toogtay guryo ay ku dhuumaaleysanayeen, intii ka dambeeysay kabixitaankii kooxdaasi magaaladda kismaayo, si ay halkaasi uga geeystaan qarbudaad iyo dilal qorsheysan.

Saraakiisha Ciidammada Dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo oo aynu la xiriirnay ayaa sidoo kale tilmaamay iney nolosha ku qabtay in kabadan 40 maleeshiyaad ah kuwaasi oo iyaguna ku dhaamaaleysanayey gudaha magaalada islamarkaana ay taasi gacan ka geysteen dadka shacabka ah oo iyagu ciidammada la shaqeeyey.

Saraakiisha ayaa ugu dambeyntii ka codsaday shacabka soomalaiyeed ee ku nool gudaha magaalada Kismaayo iney sii laba laabaan wada shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha Nabadgalayadda ee dawladda ee gacanata ku haaya magaaladda oo aysan u ogolaan firxadka kooxda Al-Shabaab iney ayaga gabaad ka dhigtaan oo ay shacbiga isku dhaxqariyaan.

Howlgallada saacadihii lasoo dhaafay laga sameeyey magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa noqonaya howlgalladii ugu horeeyey ee ay Ciidammada huwanta ah ka sameeyaan gudaha magaalada tan iyo intii kooxda Al-Shabaab laga xoreeyey guud ahaan gobolkaasi waxaana howlgalkan uu qeyb ka yahay in Nabadgalayadda magaalada lagu sugo.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,577,918 unique visits Top