Dagaalo xoogan ka dhacay Degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho
Waxaa Habeennimadii xalay Deeganka Xoosh ee Degmada Dharkenley dagaal ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Somalia iyo Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin halka ay fakir ahaan kasoo jeedan
Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii Kooxo hubeysan ay weerar kusoo qaaden fariisimo ay ku sugnaayen Ciidamada Dowladda Somalia waxaana durbadii halkaasi leysu weydaarsaday dagaal qaatay muddo kooban
Inta la ogyahay is risaaseyntaasi waxaa ku Geeriyooday hal Ruux oo rayid ah iyadoo mid kalena uu ku dhaawacmay Dhinacyadii dagaalamayna lama oga Khasaaraha kala gaaray inta uu la egyahay Sababo la xiriira Dadka oo Xiligaa hurday.
Taliska ciidamada Deeganka Dharkenley ayaa sheegay inay baaritaano fog sameynayan ruuxii ay kusoo qabtaana ay ka abaal marin doonaan dhibaatada uu geestay
Ilaa iyo iminka kama hadlin Dowladda Somalia qaabka uu weerarka u dhacay waxaana saakay baaritaano ka socdaan Gabi ahaan Deegankaasi oo looga shakisan yahay inay ku dhuumaleystan Rag shabaab ah