(Daawo Vedio) Riwaayad Qosol Badan Oo Ka Turjumaysa Guurka Soomaalida South Africa
Akhyaarta qiimiga naga mudaney waxaan halkan aan idiinku soo gudbinaynaa riwaayad aad u qosol badan runtiina ku saabsan ama ka turjumaysa guurka soomaalida ku nool dalka koonfur afrika, waxaana riwaayadani matalaya majaajilaystayaal iyo fanaaniin ku nool dadka koonfur afrika kuwaas oo inta badan lagu dhex arko ama ka dhex muuqda bandhigyada xafladaha.
Hadaba jilayaasha qaarkood hadii aan wax idiinka xusno waxaa kamid ah Maama Xabiibo Taliyaani oo caan ka ah gudaha dalka koonfur afrika iyo guud ahaanba fanka soomaalida, waxaadna kaga bogan doontaa inta aad daawanayso riwaayadani sheekooyin qosol leh iyo midi daalo aad u tira badan. Waxaana naga xusuusin ah in riwaayadani lagu soo bandhigay xaflad lagu maamuusayey sanad guuradii 5aad ee markii dhidibada loo taagay ururka suxufiyiinta soomaaliyeed ee koonfur afrika (SOJASA)