Soomaaliya Xiligan ku meel gaarka maka bixi kartaa? Maya!!! Haa!!! (Qoraal Dhabta ka hadlaya)
Ac waxaan halkaan ka salaamayaa guu ahaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa jirta laba wado oo u baahan in lakala doorto sida ciwaanka maqaalkayba ku qoran labada wado midna Dalka & Dadka soomaaliyeed waxay ku noqon karaan Dowlad buuxda, midna weligeed waxay ku jirayaan ku meelgaar.
1-Sideen ku meel gaarka aan looga baxaynin:-
Waa ayadoo dadkasoomaaliyeed marka ay ku kulmaan maqaaxiyaha &meelaha lalaysugu yimaado ay yiraahdaan:- Dowlad caadil allahana siiyo aamiin, qaxooti waa ka daalnay, xildhibaanadda waxaan ka codsanaynaa inay Madaxweyne karti leh soo doortaan oo dalka & dadkaba wax u qabta.
shacab wax raba malihin, maxaa dhacay? shacabka soomaaliyeed hebel ayey rabaan oo muwaadin ah oo wax qabanlahaa lakiin nasiib daro beesha caalamku ma rabto ninkaas!!! sidaas darteed dalka soomaaliya waxaa shacab u ah beesha caalamka !!! oo siday ugu heshiinee markaas beesha caalamku oo lagu helaa nin laysku raacsan yahay oo madaxweyne naqda si aan dowlad rasmi ah u noqono? laysku raacimaayo sidaas ayay ahaanee waxaan dowlad rasmi ah noqonaynaa markii beesha caalamka qolo waliba ninka ay rabto uu madaxweyne noqdo!!!
Xildhibaanadda Soomaaliyeed sow madoorankaraan ninkay rabaan maadaama ay 60% yihiin dad aqoon yahano ah? maya maxaa dhacay? sababtoo ah beesha caalamka ayaa mushaarka ama gunnadda siisa sidaas darteed waxay dooranayaan ninki ay beesha caalamku wadato!!!
2-Tan looga bixi karo kumeelgaarka oo lagu noqonkaro Dowlad rasmiah:-
Hadda ka hor baa waxaa la yiri nin oday ah oo soomaaliyeed ayaa wuxuu yimid ama soo dul istaagay geed xaajo,gar ama arin lagu gorfaynayo markaas baa waxaa layiri ninkii isagoo aan weli hadlin war hebelow xaalbaan ku saarnay markaas ayuu wuxuu weydiiyay oo muxuu iguqabtay oo aad igu saarteenxaalka?markaas ayay odayaashii waxay dhaheen soo joogsiga aad halkaan soo joogsatay ama imaashaha aad halkaan timid ayaan kugu saarnay ninkii odaga ahaa sidaas ayuu xaalkii ku qaatay!!!
Hadaba qofkasta oo Soomaali ah rag & dumar xaalbaa saaran ama waa casaarantahay ee ha qaadato wuxuuna ku qabtay ceebta soomaaliyeed ee banaanka iska taal.
Dowladdi dhexe ee soomaaliyeed waxaa gacmahooda ku dumiyay dad soomaaliyeed hadda waa in lahelaa dad soomaaliyeed oo dowlad soomaaliyeed gacmahooda ku dhisa, waaba ognahay in dad soomaaliyeed ay gacmahooda ku dumiyeen dowladi dhexe sidee hadda dad soomaaliyaad gacmahooda ugu dhisikaraan dowlad soomaaliyeed ayadoo ay wax walba ay ku jiraan gacanta beesha caalamka? jawaabtu waa fududahay qofkasta oo soomaali ah oo joogta qurbaha oo shaqaysa waxay bixinaysaa $20, qofti aan shaqayn oo cayr qaadatana $10bishii,
1- marka ugu horeysa baarlamaanka soomaaliyeed ayaan gunadiisa anagu bixinaynaa si uu u noqdo baarlamaan soomaaliyeed oo uu uga baxo baarlamaanka beesha caalamka, waana lala xisaabtamayaa oo waxaa la sameynayaa guddi dal & dibad joog ah oo la xisaabtamaya baalamaanka waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso yaa kamidnoqonaayo guddugaas aniga fikir ahaan dad soomaliyeed oo lagu xulay kartidooda,&aqoontooda diineed&maadiba sida Cabdi xaafidka arimaha bulshadda Universalkasoo daaya inta kale adigaan kuu deeyay ee kusoo dar
meeqa ayey noqonee gunadda baarlamaanka:-
aniga waxay ila tahay in laga dhigo $1200 sababtoo ah waxaa loo baahan yahay in baarlamaanka lala xisaabtamo qofka baarlamaaniga ahina uu helo nolol ku filan tusaale ahaan waxaan ka soo qaaday inuu labo xaas ah lee yahay marka si wax noogu hagaagaan oo uu uga baxo baarlamaanku magaci hore ee ahaa( fadlan lacag ku shubo) waa in sidaas la yeelaa.
Qodobo u baahan in lagu daro xeerhoosaadka baarlamaanka:-
waxaan maqli jiray kooramku waa buuxsami la yahay xubnihii baarlamaanka waa kala maqan yihiin taas hore waxay ku dhacijirtay dhowr bilood ayay lacag la aan joogijireen laakiin hadda arintaasi waa dhamaatay, Baarlamaanku wuxuu u qaybsamaa seddax qaybood wuxuuna u baahanyahay inlakala qaado kuwaasoo kala ah:-
B- maalin moog waadaljoog laakiin waa muqayiliin aan la arag maalin cad in mooshin jiro maahane weligood mayimaadaan
C marwalba joog dad nadiif ah oo dal joogah marwalbana u taagan shaqdooda
xubinta baalamaniga ah ee ayadoo aan shaqo u baxayn ka dhoofta garoonka waxay kuwaynaysaa xubinnimaddeedi baarlamaanka sidaas oo kale hadday shaqo inta u baxdo ay safarki kasoo harto weyku waynaysaa xubinnimadeeda xildhibaanku waa inuu ahaadee daljoog!!!
xubinta baarlamaanka ee aan soo xaadirin halfadhi oo kamid ah fadhiyadda baarlamaanka sababla aan ayadoo dalka joogta way ku weynatsaa xubinnimadeeda, qofki lumiya xubinnimadiisa waxaa soo dooranaya beeshiisa mudo21maalmooda mana lasoo celinkaraan xubin shaqadeeda gudan weysay.
Walaalaha soomaaliyeedow haddiii aan sidaas yeelno waxaa ka caafimaadnay madax xanuunki nahaayay waxaana awood u yeelanaynaa inaan iska diidno madaxweyne ama raiisulwasaare aanaan rabin, waxaana xaq u yeelanaynaa inaan ku codeyno shucuurteena, tusaale ahaan madaxweyne ayaa la doortay ama raiisulwasaare haddii dadku dibadbax taageero sameeyaan waa ok haddii ay ka soo horjeestaana waxaan codsanaynaa in baarlamaanku moshin ka keeno.
Walaalaha soomaaliyeed waxaad ka dhiiban kartaan fikirkiina si xor ah, wixi aan haleelay ASW ayaa i waafajiyay wixi aan hareermarayna naftayda & shaydaan ayay u ahaadeen