Prof. Xasan Sheekh Maxamuud:- Ma ogolaan doono in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya la qaato, dowladaha deriska ahna waxaan u sheegaynaa…
Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo hormarka {PDP} ahna musharax u taagan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay kulan la qaatay ku dhawaad 100-xildhibaan oo qado sharaf ugu sameeyay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrmo kala duwan oo ay ka mid yihiin waxa uu qabanayo haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.
Musharax Xasan Sheekh qadada uu sameeyay oo ay sidoo kale ka soo qeybgaleen boqolaal kale oo martisharaf ah, una badnaa aqoonyahano iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa sheegay inuu si weyn wax uga qabanayo dhinacyada ammaanka, waxbarashada, dhaqaalaha hormarintiisa iyo arrimaha bulshada, isagoo balanqaaday inaysan dhici doonin isqabqabsi dhexmara Xukuumaddiisa amaba isaga iyo Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka sida ay ku caan ahaayeen Xukuumadihii hore.
Mar uu ka hadlayey xuduudaha Soomaaliya iyo sida ay u dayacanyihiin iyo sidoo kale xadgudubka lagu hayo kheyraadka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inuusan ogolaan doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya la qaato, wuxuuna xusay in dalalka deriska la ah Soomaaliya looga baahanyahay inay xushmeeyaan qarannimada dhuleed iyo biyood ee Soomaaliya, uusanna isagu ogoleyn in kheyraadka Soomaaliya la iska dashdashto iyadoo aysan dowladdu waxba ka ogeyn.
Sidoo kale Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo ah musharaxa ugu cadcad qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inay jireen dalal si sharci-darro ah kalluumeysi uga wada biyaha Soomaaliya, kuwaas oo maraakiib waa weyn ku xaalufiya badaha Soomaaliya, wuxuuna yiri mar uu arrinkaasi ka hadlayey “In kheyraadka Soomaaliya loo dashdashto si sharci darro ah marnaba ma ogolaan doono, waana in cid kasta oo dooneysa inay ka kalluumeysato biyaha Soomaaliya ay u soo marto sifo sharci, wuxuxuuna intaasi ku daray in iyadoo lagu marmarsiyoonayo burcad badeednimo iyo waxa loogu yeero argagixiso si sharcidarro ah loo qaatay kheyraadkii Soomaaliya, loona boobayo dhulkeeda, taasna waa wax aan la aqbali karin” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Xafladda ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay xildhibaano iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya C/weli Ibraahim Sheekh Muudey, Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Cismaan Cilmi Boqorre, Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khariif Galeryr iyo xubno kale oo badan, kuwaas oo dhammaantood sheegay inay codka siinayaan musharax Xasan Sheekh Maxamuud.