Xarakada Al-Islaax garabka jadiidka ama dhiiga cuusb ayaa dharbaaxsho culus kala kulmay Madaxweynaha dowladaFedaraalka Soomaaliya , Xarakada Islaax (DHIIGA CUSB) ayaa rajo kalahaa in ay sheeshaan gacanta ugu sareeysa Madaxtooyada oo ay noqdaan kuwa majaraha uhaaya Madaxweynaha cusub balse rajadoodi ayaa noqotay si aysan filaneeynin.
Madaxweynaha dowlada Fedaraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo marki la dooraty waxaa jiray hadallo la isla dhaxmarayay oo ahaa in Xarakada Islaax garabka (DHIIGA CUSUB) ay ka soo muuqan doonaan dowladiisa oo awood ay kuyeelan doonaan , iyadoo xisbiga madaxweynaha uu madax ka ayahay u badan xarakadaasi balse arrinta ayaa noqtay si kale oo filanwaa ku noqotay hogaamiyaasha xarakadaasi.
Madaxweynaha ayaa xarakada uu ka tirsan yahay ee Al-Islaax garabka cusub oo doonayeen in ay la wareegaan awooda Madaxtooyada iyo siyaasada dalka ayaa la sheegay in Madaxweynaha uu si cad ugu sheegay xilka uu haayo in uu yahay xil Soomaaliyeed oo ay laheeyn qolo gaar ah ama xaraka gaar ah , isagoo usheegay in uu ugu adeegayo mas,uuliyada uuhaayo shacabka Soomaaliyeed oo qolo gaar ah uusan ugu adeegi doonin , madaxweynaha ayaa ku dhaliilay hogaamiyaasha xarakadaasi qaabka ay wax uwadaan oo ay tahay wax aan la aqbali karin oo danta xarakada ay tahay wax iska yar oo ay muhiimada tahay in la ilaaliyo midnamada guud ee Soomaaliya iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, hogaamiyaasha xarakadaasi ayaa siweyn ugu carooday jawaabta ay kala kulmeen Madaxweynaha dowlada Fedaraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud , iyadoo hogaamiyaasha xarakadaasi ay ku noqotay dharbaaxsho xoog leh oo aysan filaneeyn.
Madaxda Sarsare Al-Islaaxa(DHIIGA CUSUB) ayaa doonayay in ay iska bareejeeyaan xarakada Ala-Sheekh oo uu ka tirsanaa Madaxweynihi hore ee Soomaaliya , xarakadaasi ayaa inta badan gacanta ku heeysay siyaasada Soomaaliya , Ala-Sheekh ayaa majaraha siyaasada Soomaaliya gacanta ku heeysay muddadii 3 sano aheeyd uu Shariif Sheekh Axmed Madaxaweynaha ka ahaa dalka , waxaana xarakada ka tirsanaa ay maamulka dalka siweyn uga dhax muuqdeen ,iyadoo inta badan gacanta ku heeysay xarakadaasi talada dalka oo ay ka dhaxmuuqdeen Madaxtooyda iyo laamaha ammaanka ee dalka oo inta badan ay maamulayeen rag ka tirsan xarakada Ala-Sheekh oo uu ka tirsanaa madaxweynihi hore ee Soomaaliya.
Hadaba Xarakada Islaax garabka Jadiidka ama dhiiga cusub oo uu ka tirsanyahay Madaxweynaha dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa waxaa beenoowday rajadoodi aheeyd in ay ka soo dhax muuqdaan siyaasada Soomaaliya ama ay maamulaan Madaxtooyada oo ah saldhiga siyaasada Soomaaliya iyo halka laga hogaamiya dalka, waxaana Madaxweynaha la sheegay in ay la shaqeeyaan shaqsiyaad aan tira badneed oo ka tirsan xarakadaasi oo inta kale uu iska fogooyay sida ay sheegayaan ila lagu kalsoon yahay oo ku dhawdhaw Madaxweynaha