MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
(Daawo Vedio) Muran Iyo Is Qab Qabsi Weyn Oo Soo Kala Dhex Galay Soomaalida USA Iyo Duqa Magaalada Lewiston”‏
Muran is qab qabsi weyn ayaa waxaa la sheegay inuu soo kala dhexgalay Soomaali qaxooti ah oo ku nool dalkaas Mareykanka iyo duqa magaalada ay Soomaalidaas ku nool yihiin ka dib markii uu duqa magaaladaas uu ku hadlay hadalo cunsuranimo ah oo ka careysiiyey Soomaalidaas.

Duqa magaalada Lewiston, Maine ee dalkaas Mareykanka ninka lagu magacaabo Robert Macdonald ayaa waxaa la sheegay inuu ka hadlay hadalo cunsuranimo ah oo ka xanaajiyey Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool magaaladaas iyadoona ay Soomaalidaas ka dalbadeen duqa magaaladu inuu raali galin buuxda ka bixiyo hadalaas ay dadka Soomaalidu ku tilmaameen kuwo ku salaysan isir naceyb oo ayagana loola jeedo, Hadaladaan muranka dhaliyey ayaa waxaa la sheegay in lag sii daayey telefishinka BBC bishii hore ee Septembar 11keedii ayaa duqa magaaladu waxaa uu ku yiri in asagoo la hadlaaya dadka qaxootiga ah Waxaad timaadeen wadankeena marka waa inaad dhaqankiina iyo waxa aad aaminsan tihiin aad irida kaga soo tagtaan oo aad qaadateen dhaqankeena iyo nolosheena, arintaas oo ay dad badan oo Soomaali ah ay u fasirteen inuu ula jeeday dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada uu ka yahay duqa, iyadoona ay Soomaalidaas ka muujiyeen arintaas walaac weyn islamarkaana ay ku tilmaameen mid wax loogu dhimaayo jiritaankooda ayna tahay cunsurinimo aan geed loogu soo gaban.

Ugu dambeyntiina iyadoo duqa magaaladaas uu hadalkaas ku adkeystay islamarkaana dadaalo badan oo ay dadka Soomaaliyeed isugu deyeen inuu ka noqda hadalkaas islamarkaana uu ka bixiyo raali galin aysan wax mira dhal ah ka soo bixin ayaa sidoo kale uu ninkaas waxaa uu adkaysanayaa inuusan wax qalad ah uusan ku hadlin ee uu sheegay sida ay tahay xaqiiqda, dadka Soomaaliyeed oo mar walba u muuqda kuwa wadamo aysan lahayn oo ay ku yihiin kooyto iyo qaxootii ugu doodaayo in wax loogu dhimay ama lagu cunsuriyeeyey ayaa arintan ay tahay mid cusub maadaama ay waligeed dhici jirtey inay Sooomaalida ka muujiyaan cabashooyin cunsuriyad ay sheegeen inay kala kulmaan goobaha shaqada, Inkstoo nin lagu magacaabo Maxamed Cabdulaahi oo ku hadlaayey magaca jaaliyada Soomaalida ee magaaladaas uu dhawaantaan mar kale ku weydiistay inuu duqa magaalada uu hadalkaas ka bixiyo raali galin ayuu mar kale diiday ninkaas asagoona meeshana ka saarey gebi ahaanba inuu hadalkaas raali galin ka bixiyo.





New Page 2




HALKAN KA DAAWO




VIDEO-GII MAYORKA SOOMAALIDA KU TILMAAMAY IN DHAQANKOODA UUSAN SHAQEYNEYN







Xafiiska Wararka Ee Saafifilms.com
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,571,551 unique visits Top