Waxgarad Ciidamadda Dowaldda ku eedeeyay in ay dilal ka Geystaan Kismaayo
Maxamed Buule Ibraahim oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda Gobollda Jubbooyinka ayaa ku eedeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dhawaan gaaray Magaalada Kismaayo in ay halkaasi ka sameeyaaan Falal dilal ah .
Waxaa uu sheegay in markii Ciidamada iskaashanaya ay gudaha usoo galeen Kismaayo ay filayen in ay Ammaanka wax ka qabtaan isla markaaisna Dadkii ay ka shakiyaan qabtaan si dambigyadoodu loogu qaado balse aaney taasi dhicin .
waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay halkaasi ka geystaan dilal u lakac ah isla markaasina Qofkii ay dilaan ku ay sheegaan in Al-shabaab uu ka taasinaa arintaasina ay tahay mid laga xumaado.
Sidoo kale Maxamed Buule Ibraahin waxaa uu ku baaqay in arintaasi si Dag dag ah wax looga qabto isla Markaasina Ragga arintaani fulinayo iyana Dambigoodu lagu qaado sida uu tilmaamay.
Dhawaan Ciidamada Iskaashana ayaa si buuxda Ula wareegay Gacan ku heynta Magaalada Kismaayo halkaas oo ay ka arimin jiren Ururka Al-shabaab