MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Mareykanka oo soo bandhigay Meydadka Dhalinyaro Soomaali iyo Ameerikaan isugu jira “Warbixin”
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Sirdoonka ee Dalka Maraykanka ayaa soo bandhigay Meydadka Muwaadiniin isugu jira Soomaali iyo Maraykan oo ay sheegeen inay ka Bar bar dagaalamayeen Al Shabaabka Soomaaliya ka jira kuwaasi oo lagu Dilay Gudaha Dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidamada Sirdoonka Dalka Maraykanka ah ay in Muddo ah ayla socdeen Dhaq dhaqaaqa ay sameynayaan Muwaadiniinta Soomaalida ah iyo kuwa Maraykanka ah ee u socdaalayay Gudaha Soomaaliya, hase ahaatee Saraakiisha ayaa sheegay inaysan ka warqabin Ciddii ka dambeysay Dilka Labo Soomaali Maraykanka ah oo Meydkooda laga helay Gobolka Minneapolis ee Dalka Maraykanka.

Maraykanka ayaa sheegay in 2007-dii illaa 2008-dii ay Dalka Soomaaliya usocdaaleen inka badan 20-Muwaadin ah oo isugu jira Soomaali iyo Maraykan kuwaasi oo ka Bar bar dagaalamayay Al Shabaab.

Dhinaca kale Saraakiisha Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay inay jiraan 20-Muwaadin oo Soomaali Maraykanka ah, islamarkaana loo heysto in Shabaabku ay ku taageereen lacago iyo qibrado Dagaal kuwaasi oo lagu hayo Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka.



Ugu dambeyn Dadka gacanta lagu hayo ayaa waxa ka mid ah nin Magaciisa lagu soo gaabiyay Cumar oo 46-jir ah, Axmed Shafiiq iyo kuwa kale oo ay ku socdaan Baaritaanno la xiriira doorkii ay ku lahaayeen lacago loo diray Al Shabaab iyo inay dhiiro gallin ku hayaan Soomaalida kale ee ku sugan halkaasi si ay ula Dagaalamaan Dowladda Soomaaliya.

Hibo Axmed oo Soomaali Mareynkan ah waxa ay sheegtay in Walaalkeed Shirwac Axmed uu ugu wardanbeyay Maqalkiisa Muqaalkiisa mar hore ayaa mar qura waxa ay ka warheshay in Soomaaliya ku sugan yahay kaasi oo ka Bar bar Dagaalamaya Al-shabaab.waxaana la tilmaay in Axmed Shirwac oo muwaadin Ameerican ah uu noqday Ninkuu ugu horeeyay ee Qarax ismiidaamin ah ka fuliya Soomaaliya oct.29keedii 2012.

Mareynkanka ayaa sheegay in ay sii kordhayaan Dhalinyarada Dagaalada u soo doonayanay Dalka Soomaliya ee ka soo tagaya Dalka Mareynkanka kuwaasi oo isugu jira.

waxa ayna sidoo kale tilmaameen in si aad ah loola socda Dhaqadhaqaaqa Dhalinyaradaasi.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,571,827 unique visits Top