Dad Shabaab lala xariirinayo oo lagu xiray Baydhabo
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa gacanta ku soo dhigay ku dhowaad 10 qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilal ka dhacay magaaladaasi.
Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Baay Korneel Mahad Cabdiraxmaaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay soo qabashada raggani, isagoo carabka ku dhiftay in ay yihiin rag dilal iyo falal kale oo amni darri ka geystay magaalada.
Korneel Mahad ayaa sheegay in inta badan dadkaasi ay ka soo qabteen goobo shacabka ay ku soo wargeliyeen oo ay ku dhuumaalaysanayeen, kaddibna ay xabsiga dhigeen .
Wuxuu intaas raaciyay in maalmaha soo socda ay raggan soo taagi doonaan maxkamad si loo xukumo, isagoo sheegay in hadda ay ku socdaan su’aallo weydiin.
Dhowrkii cisho ee aynu soo dhaafnay ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka.