MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Cristiano Ronaldo: Muhim Ayay Inoo Aheyd Inaan Kalsooni Helno Ka Hor Kulanka El Clasico.
Xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay guushii 4-1 ee ay kooxdiisa xalayto ka gaartay Ajax, waxaana uu shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay diyaar u tahay inay Camp Nou kaga badiso Barcelona kulanka soo socda.

Ronaldo ayaa ahaa geesiga kooxda Jose Mourinho, isagoo dhaliyay seddexleey, islamarkaana guusha ku hogaamiyay kooxda Los Blancos.

Isagoo u hadlayay Canal+, Ronaldo ayaa yiri: “Aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah waan badinay si fiicana waan u ciyaarnay. Aniga ahaan inaan seddex gool dhaliyo aad ayay muhim iigu aheyd.

“Waxaan ciyaarnay ciyaar aad u dhameystiran, muhim weyn ayayna inoo tahay inaan kalsooni helno ka hor kulanka soo socda ee Barcelona.



“Muhim ayay ii aheyd inaan kubada gurigeyga u qaato, lakiin waxa ugu muhimsan ayaa ah kooxda sababtoo ah kooxda la’aanteed ma aanan awoodi laheyn inaan goolal dhaliyo.”

Barcelona ayaa 11 dhibcood ka sareyn doonta Real Madrid hadii ay axada ka badiyaan, lakiin Ronaldo ayaa huba inay kooxdiisa heli doonto guusha ay raadinayaan.

“Kalsooni ayaan ku qabaa inaan natiijo fiican ku heli doono meel adag oo ah Camp Nou. Barcelona waa koox fiican sidaasi darteed farqi weyn ma jiri doono” ayuu Ronaldo hadalkiisa ku koobay.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,553,251 unique visits Top