MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
11kii Ciyaaryahan Ee Ugu Fiicnaa Champions League Isbuucaan, Ronaldo Iyo Messi Oo Hogaaminaya.
Kulamada labaad ee wareega Group-yada Champions League ayaa la ciyaaray, iyadoo kulamo xiiso badan ay dhaceen, natiijooyin la filayay iyo kuwa lama filaan ah, goolal qatar ah oo shabaqa soo taabtay iyo goolhayayaal fursado badan beeniyay.

Hadaba waxaan eegeynaa 11kii ciyaaryahan ee isbuucaan sida aad ka ah uga dhex muuqday Champions League, anagoo soo xiganeyna shabakada Goal.com

Aan ka bilowno dhanka danbe, goolhayaha Manchester City Joe Hart ayaa booska ka saaray goolhayaha Milan Christian Abbiati oo isaga laftiisaba fursado dhowr ah badbaadiyay xalayto, lakiin goolhayaha City ayaa Borussia Dortmund ka beeniyay inay gaaraan wax guul ah isagoo geesi u noqday kooxda difaacaneya Premier League.

Hortiisa waxaa taagan Mikael Lusting kaasoo daafaca midig uga ciyaarayay kooxda Celtic, isagoo qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay islamarkaana soo tuuray karooskii ay ku dhaliyeen goolkii guusha ee ay ka gaareen kooxda reer Russia. Leonardo Bonucci ayaa muran la’aan ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa Bianconeri ee daafacooda isbuucaan, isagoo sidoo kale dhaliyay goolkii barbaraha u sahlay Juventus, waxaana kooxda isbuuca ka garab ciyaaraya Douglao kaasoo si fiican u aqriyay ciyaartii Braga ay 2-0 kaga badisay Galatasaray, waxaana dhanka daafaca bidix saaran Eliseu, kaasoo labo gool oo qatar ah u dhaliyay kooxdiisa Malaga xalayto.

Isbuucaan dhanka khadka dhexe ciyaaryahano badan ayaa si fiican u ciyaaray, waana adag tahay in la kala xusho. Sidaas oo ay tahayna waa adag tahay inaad soo hesho ciyaaryahan ka shaqo badnaa Manuel Iturra kaasoo si weyn uga dhex muuqday kooxdiisa Malaga. Cesc Fabregas ayaa isna boos ka helay khadka dhexe ka dib markii uu qeyb weyn ka qaatay guushii ay Barcelona ka gaartay Benfica. Waxaana booska kubadsameeyaha ku fadhiya Mario Gotze kaasoo dhaqdhaaqiisa diilinta ganaaxa dhexdeeda u diiday inay daafacyada Manchester City daqiiqadna nastaan.



Si kastaba, xulashada dhanka garabka bidix waxaa qaatay ciyaaryahanka reer Colombia James Rodriguez kaasoo dhaliyay goolkii guusha ay Porto kaga badisay kooxda PSG, waxaana uu si aad ah uga dhex muuqday kulankaas adag.

Dhanka garabka midig waxaa saaran Cristiano Ronaldo, kaasoo seddexleey uu dhaliyay u sahashay Real Madrid inay 4-1 kaga talaabsadaan Ajax oo marti loogu ahaa Amsderdam, waxaana dhanka weerarka hogaaminaya xiddiga Barcelona Lionel Messi, kaasoo aan gooldhalinin balse injineer ka ahaa gushii Barcelona ay gaartay isbuucaan, isagoo lugtiisa ay ka baxday labadii gool ee ay Barca kaga badisay Benfica.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,495,054 unique visits Top