Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
     
|
Aroos Soomaali ah oo Hakat galay kadib Markii Cunadda leysku Dagaalay |
|
Soomaali isku guursaneysay Dalka Qadar ayaa Arooskooda hakad galay kadib markii dad weynihii kasoo qeybgalay arooskaasi ay isku qabteen Cunadii Arooska laga qeybinaayay
Xili Arooska iyo aroosada ay ku maqnaayen Bukuyeerka lagu hagaajinaayay ayaa waxaa isqabtay Grup dhalinyaro ah kuwaasoo iyaga laga ilaaway qeyb kamid ah Cunadii Arooska laga qeybinaayay, mid kamid ah dhalinta Grup-kaasi kamid ahaa ayaa u gafay Shaqaalihii loo xil-saaray qebinta raashinka waxaana Durbadii Fadhiga laga saaray gabi ahaan Grup-kaasi oo iyagu fal qabiil ah latagay Goobtii Arooska uu ka dhacaayay
Inta loo fadhiyay Raashinka ayaa waxaa mar qurah la maqlay Buuq iyo sawaxan oo hareereyay gabi ahaan Arooskii waxaana Durbadii labo labo isku qabsaday dadkii arooska kasoo qeyb galay oo qeyb kamid ah taagersanaa in dhalintaasi laga ceyriyo goobta xafladda iyo Grup iyaguna kasoo horjeeday in dhalintaasi la ceyriyo islamarkaana Sumcad xumi ay soo wajahdo arooska iyo aroosada
Gacan qaad kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamada Amaanka oo iyagu ka agdhawaa Guriga uu arooska ka dhacaayay waxaana meesha lagu kala diray dadweynihii arooska isugu yimid
Goobta oo Faaruq ah ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay Arooska iyo Aroosada oo xiligaasi laga soo galbiyay dhanka Bukiyeerka waxaana Gurigii laga waayay Taageerayaal gacmo furan kusoo dhaweeyo una mashxarado iyada oona hakad galay kala socodka arooska
Waxaa goobta arooska lagu xir-xiray Ragii qaabilsanaa hagaajinta Hoyga arooska iyo aroosada loo galbin lahaa islamarkaana qaabilsanaa isu geynta gawaarida lagu qaadi lahaa arooska hayeeshe waxaa nasiib noqotay in arooska uu istaagay lana waayay cid u adeegta iyo cig galbisa maadama dadka is guursaday ay ahaayen ajaanib dadka iyaguna goobta isugu yimid ay ahaayen ajaanib waxaana habeenkaasi ayan daro usoo hooyatay lamaanihii is calmaday oo halkaasi ku waayay dadkii u mashxaradi lahaa una sacaba tumi lahaa waxaana arooska halkiisii laga sii waday maalintii labaad maadama arooskii uu malintaasi fashil ku dhamaaday
Gabagabo anaga oo tixgalineyno sumcada arooska iyo aroosada ayaa waxan go’aansanay inan arintaani uga hadalno si guud |
|