C/welli Gaas oo Sanado Kadib Boorka ka Jafaya Saaxiibtinimadii Farmaajo kala Dhaxaysay
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeena Soomaaliya ayaa tibaaxaya inuu C/weli Gaas Raizul Wasaarihii waqtigiisu dhamaaday hadana ah Musharax u Taagan Xilka Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland uu boorka ka jafayo sanado kadib saaxiibtinimadii godka ku dhacday ee kala dhaxaysay Raizul Wasaare Farmaaajo.
Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay Hoyga ay Muqdisho ka daganyihiin Labada Masuul ayaa la sheegayaa in wada hadal u socdo kaasoo markale lagu soo noolaynayo saaxiibtinadii ay siyaasado kala gaysay.
Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane C/welli Maxamed Cali Gaas iyo Raizul Wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo aya la shegayaa inuu wada hadalkoodu bilowday maalintii shalay ahayd kadib markii uu soo dirsatay sida aan wararka ku helayno C/welli Maxamed Cali qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya, kuwaasoo Farmaajo kala hadlay sidii markale lagu soo celin lahaa Xiriirkii sanado ka hor ka dhexeeyay Labada Masuul.
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu soo dhaweeyay wada hadalkan cusub ee labada masuul la iskugu keenayo waxaana warar hoose sheegayaan in labada masuul ay si toosa isku soo hor Fariisan doonaan Maalmaha soo socda.
Qof ku sugan Xarunta uu daganyahay C/welli Gaas Ayaa warbaahinta Warkii-Media u sheegay in uu Gaas aad dhankiisa usoo dhaweyay in laga aqbalo wada hadal markale lagu dhex dhexaadinayo labada masuul waxaana dadka arimaha siyaasada daraasaadka ku sameeya ay sheegeen suura gal inay tahay hadii markale uu C/welli Gaas soo gali gacanta Farmaajo, ay ku adkaanayso si fudud inuu ku helo booska golaha wasiirada maadaama ay labadoodu horay usoo wada shaqeeyeen isla markaana ay isla gaareen xili ay booska isku baneeyaan taasoo markii danbe kentay in C/welli Maxamed Cali Gaas uu dusha oga tuuro Farmaajo lacago ay lunsatay Xukuumadii uu madaxda ka ahaa.
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la sheegay dhankisa inay Fursad u tahay inay gacantiisa markale soo galaan siyaasiyiin ay horay ugu kala tageen siyaasada sida Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr Faroole Raizul wasaarihii waqtigiisu dhamaada C/welli Gaas Madaxwaynihii hore Shariif Sheekh Axmed, halka warar hoose sheegayaan inaysan wali is arkin Dr Mahiiga oo ay si hoose siyaasad ahaan ugu kala durugsanyihiin wallow ay wararka qaar sheegayaan Mahiiga in xilka laga xayuubin doono Maalmaha soo socda.
Farmaajo ayaa markale wuxuu Fursad wayn u helay inuu dib boorka oga jafo siyaasadiisii ku wajahnayd Gobolada dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay caqabado badan inay oga imaan karaan dhanka dowlada Kenya oo ay suura gal tahay inay u aragto nin aysan ka fushan Karin danaheeda gaarka eey ka leedahay Soomaaliya, waxaase suura gal ah inay arintu is badasho maadaama uu Waji Cusub ku wajihi doono Maxamed C/laahi Farmajo siyaasadiisa wadamada Dariska ah.
Raizul Wasaarihii hore ee Xukuumadii KMG ahayd C/welli Maxamed Cali Gaas oo imika la sheegay inuu u taagan yahay Xilka Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa horay xiriir fiican ula lahaa Dowlada Kenya taasoo ugu danbeyntii ay isla gaareen Badda Soomaaliya inay ku wada gorgortamaan, waxaana hubaal ah in dhaawaca wayn ee soo gaaray Siyaasada C/welli ay qayb ka tahay Xiriirka iyo Saxiixyada Khayaanada ku salaysan ee uu la gaaray Dowlada Kenya, taasoo ugu danbeyntii dhalisay inay ka aamin baxaan shacabka Soomaaliyeed.
Isku soo wada duuboo Heshiiskaan bilowga ah ee ay wada gaareen Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu markale noqonayaa siyaasad cusub oo ku salaysan tanaasul oo uu lasoo baxay Maxamed Farmaajo.