Waa Kuma Raizul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya (Warbixin)
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud oo saacadihii ugu danbeeyay oo la tashiyada wax garadka Soomaaliyeed lagu waydiinayo qofka ku haboon Xafiiska Raizul Wasaaraha la waday, ayaa la sheegay inuu ugu danbeyn go’aankiisii ku aadanaa qofka noqonaya Raizul Wasaaraha qaatay.
Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya inuu madaxwaynuhu go’aankiisii ugu danbeeyay ku gaaray inuu maalinta bari ah soo magacaabo Raizul Wasaaraha Soomaaliya.
Masuul ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyay in Xassan Sheikh Maxamuud markii uu isku fiiriyay la tashiyadii dadwaynaha qaybihiisa kala duwan iyo Bulshada Caalamka dhagaystayna hadalada kasoo yeeraya shacabka uu go’aankiisii ugu danbeeyay ku gaaray in jadaasi loo dhiibo Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo horay Wasiirka koowaad oga soo noqday Xukuumadihii soo maray dalka Soomaaliya kuwoodii ugu danbeeyay.
Madaxwaynaha ayaa la sheegay inuu saxiixay ugu danbeyntii wareegtadii uu ku magacaabi lahaa Farmaajo isla markaana Malinta bari ah si toosa u shaacin doono Raizul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya inuu yahay Maxamed C/laahi “Farmaajo”.
“Walaalow saad la socoto Madaxwaynuhu wuxuu ku jiray la tashiyadiisii ugu danbeyay ee kusoo xulanayo qofka uu isleeyahay waa noqonayaa Raizul Wasaaraha hadana waa soo dhameeyay, walaahi kuma oran karo qof hebel baa la magacaabayaa laakiin waxaan kaliya kuusheegi karaa talada ugu badan in madaxwaynaha lagu siiyay inuu Raizul Wasaare ka dhigto Farmaajo” ayuu yiri masuul ka tirsan Madaxtooyada oo ka gaabsaday in magaciisa Boggan lagu xuso.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya markii uu dhagaystay dhamaan Wada tashiyadii uu la sameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed waxa si toosa ugu cadaatay jada Raizul Wasaraha inuu ku haboonyahay Farmaajo ayuu yiri mid kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan.
Inta badan waxaa la sheegay inay beesha Caalamka oo horay looga baqayay inay kasoo horjeestaan Farmajo ay ku qanceen isla markaana ay ku raaceen go’aankii ay shacabka soomaaliyeed ku gaareen inuu yahay qof u qalma Jagada Raizul Wasaaraha Afarta sano ee soo socota.
Dhanka kale Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya inay Khadka Telfoonak si toosa ugu wada xiriireen Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr Faroole isla markaana si jiid jiid dheer kadib isla afgarteen si midaysan in loo wada shaqeeyo.
Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa warar hoose oo laga helay hoyga uu Muqdisho ka daganyahay Farmaajo waxay sheegayaan inay si buuxda isku afgarteen wada shaqayn dhamaystiran oo sadex geesood ah in la yeesho, wixii ay ka tabanayaan Maamulka Puntland Farmaajo-na lagu dhameeyo wada hadal.
Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu Magaalada Muqdisho usoo diri doono Wafdi Balaaran oo ka kooban Wasiiro iyo wax garad kuwasoo gogal xaar u noqon doona wada shaqaynta buuxda ee dhex mari doonta Xukuumada uu madaxda ka noqon doono Maxamed Farmaajo iyo Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Isku soo wada duuboo waxaa la filayaa maalinta bari ah inuu ku dhawaaqo Madaxwayne Xassan Sheikh Maxamud Raizul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya kaasoo noqon doono Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo horay oga ahaa xukuumadii ka horaysay C/welli Gaas Wasiirka koowaad.