Ururka Al-Shabaab oo ku hanjabay inay ciidamada Kenya ka saarayaan Kismaayo.
Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay qabsashada Magaalada Kismaayo oo ay la wareegeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Afhayeenka Guud ee Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM dadaali dheeri ah iyo jab fara badan ay usoo mareen qabsashada Magaalada Kismaayo.
Cali Dheere wuxuu sheegay in marwaliba ay u taagan yihiin la dagaalanka ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ee Kismaayo galay ayna ka saarayaan sida uu hadalka uyiri.
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedada Kenya ciidankeeda ay usoo galeen gobalada Jubbooyinka ay tahay gurashada qeyraadka dhulkaasi kujira.
Wuxuu sheegay inaysan marnaba ka aqabali doonin in qeyraadka dalka in la gurto ayna la dagaalamayaan ciidamada Kenya.
Ugu dambeyn Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa shacabka reer Jubbooyinka wuxuuu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalka islamarkaana ay iska celiyaan ciidamada Kenya ee kusoo duulay Gobalada Jubbooyinka.
Al-Shabaab ayaa dhawaan isaga baxay Magaalada Kismaayo oo ay mudd 5-sano ku dhaw maamuli jireen kadib markii ay soo wajahday culeesyo milateri oo dhanka badda,Bariga iyo cirkaba ah.