Rag Qarajin lahaa Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud oo lagu qabtay Beledweye “Faah Faahin”
wararkii ugu danbeeyay ee naga soogaaraya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu qabtay dhalin yaro badan kuwaas oo doonaayay in ay ismiidaamiyaan.
wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dhalin yaradaan lagu qabtay gudaha Magaalada Baladweyne halkaaso oo la sheegay in uu ahaa qorshahooda sidii ay kaga geesan lahaayeen Ismiidaamin oo uu bartilmaameedkooda uu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.
Gudoomiye kuxigeenka dhanka amaanka ee Magaalada Baladweyne Axmed Cismaan Cabdulla Axmed Inji kaas oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay gacanta ku soodhigeen ilaa dhalin yaro gaaraya afara ruux kuwaas oo uu tilmaamay in ay doonaayeen in halkaasi ay kafulin rabeen qarax ismiidaamin ah oo ay kudoonaayeen in ay kudilaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalin kahor halkaasi gaaray.
ragaan ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Itoobiya kuwaas oo halkaasi baaritaano kasameeyay ay ku xaqiijinaayeen dhanka amaanka ayna ragaan ugu suurta gashjay in ay qabtaan.
waxaana uu tilamaamay Gudoomiyaha in haatan ay gacanta kuhaayaan ragaan islamarkaana uu baaritaan kusocda oo ku aadan arintaan kuwaas oo uu tilmaamy in ay tiradooda ay gaareyso 5-ruux.
Gudoomiye kuxigeenka dhanka amaanka ee Magaalada Baladweyne Axmed Cismaan Cabdulla Axmed Inji waxa buu tilmaamay in waxyaabahaan laga soo abaabulo sida uu sheegay Duleedyada Magaalada Baladweyne.
waxa uu ugu danbeentii sheegay in Ragaan ay tiradooda gaareysa 5-ruux uu qorshahooda ahaa in ay is kumiidaamiyaan Wafdigii uu hogaaminaayay Madaxweynaha Soomaaliya oo maalin kahor gaaray halkaasi si ay u soo idha indheeyaan Fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabeele kuwaas oo ay gacanata haatan ku haayaan waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay Baaritaano adag saari doonaan dadkaan.
Madaxweynha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu socdaal kugaaray maalin kahor Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan si uu ugu kuur galo inta ay gaarsiisan tahay Fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabeele.