MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Shakiga ka dhex aloosan Masuuliyiinta ugu sareeysa Xarakada Al Shabaab oo faraha ka baxay iyo Kiiskaan oo iminka soo shaac baxay (Top News)
Masuuliyiinta ugu sareeysa Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa soo food saartay labo daran mid dooro taas oo ugu dambeeyntii sababi doonta bur bur ku yimaada kooxdaan oo mudo sanad ka hor ah dalka intiisa badan gacanta ku haysay.

Madaxda Xarakada Al Shabaab maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo food saartay arin cusub waxaana guud ahaan Telefoonadii gacanta laga mabnuucay Maleeshiyaadka ilaaliya raga ugu sareeya Shabaabka kuwaas oo qaar kood warba isku heeyn halka ay kala joogaan.

Xarakada Al Shabaab ayaa bishaan gudaheeda waxeey ogaadeen in uu jiro Raadaar ka shaqeenaya goobaha ay ku harsan yihiin kaas oo hagaya Diyaaradaha Mareeykanka gaar ahaan kuwa wax basaasa. Waxaa jira rag fara badan oo qaabkaan cusub lagu qaarajiyay balse Shabaabka ayaa maalmahaan dambe ogaaday halka laga heeysto.

Waa markii ugu horeeysay oo ay kala goŽaan Shabaabka Gobolada dhexe iyo kuwo ku harsan Jubooyinka ,Bay ,Bakool, Shabeelada hoose & Shabeelada dhexe . Telefoonada ugu muhiimsan ee xiriirin jiray Masuuliyiinta Shabaabka iyo hor joogayaashooda dagaalka ayaa waxaa cadaatay in si caadi ah loo dhageeysan jiray waliba loo fududeen jiray Ciidamada AMISOM damaca iyo qorshaha ay doonayaan Maleeshiyaadka Al Shabaab.

Sidoo kale waxaa jira Rag muhiim ah oo ka tirsan Xarakada Shabaabka oo si toos ah ula shaqeeya Sirdoonka Mareeykanka balse waxaa aad u adag in la ogaado ragaas kuwa ay noqon karaan maadaama qaabka ay u shaqeeyaan uu yahay mid Sirdoon ah oo aan la ogaan karin marka laga reebo Dawlad casri ah oo kiiskooda daba gasha.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,539,461 unique visits Top