(Daawo video) Xawaaladaha Soomaalida iyo Shacabka ku nool Qurbaha oo ka dhextaagan is faha la'aan la xiriirta sharciyo cusub oo lagu soo ragey?
Shirkadaha xawaaladaha Soomaalida iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa waxaa la sheegay inay ka dhextaagan yihiin is faha la'aan la xiriirta sharciyo cusub oo lagu soo ragey inay fuliyaan shirkadahaas xawaalada ee Soomaaliyeed.
Sharciyadaan cusub oo ah kuwo u muuqdo inay kuwo ku adag dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah i la diiwaan galiya macluunaad badan oo ku saabsan qofka lacag ka dirsanaayo shirkadahaas oo ay ka mid yihiiin magaciisa, cinwaankiisa, iyo taariiqda dhalasho ee qofka lacag ka xawilanaayo shirkadahaas, Laakiin iyadoo aysan dad badan oo Soomaaliyeed sida la og yahay aysan jecleyn diiwaan gelintaas ayaa arinta kale ee taasi ka sii daran oo ay dadka Soomaaliyeed dhibsan karaan waxay tahay ka dib markii shirkadaha xawilaada lagu soo ragey inay ogaadaan meesha uu qofkaas ka keenay lacagtaas hadii ay tahay lacagta uu qofku diraayo mid ka badan daqliga soo geli karo qofkaas arintaas oo ah mid ku adag dadka Soomaaliyeed aqbalaadeeda
Ugu dambeyntiina iyadoo shirkadaha xawaaladuhu ay wax weyn tareen dadka Soomaaliyeed ilaa wixii ka dambeeyey bur burkii dalka Soomaaliya oo ay fududeeyeen sidii ay dadka Soomaaliyeed u yaakuleyn lahaayeen dadkooda ku sugan gudaha dadlka Soomaaliya ayaa hadana waxay sidoo kale ay xawaaladahaasi ay qeyb weyn ka qaataan gar gaarka iyo caawinaadaha loo fidiyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, Qaar badan oo ka mid ah wakiilada shirkadaha xawaaladaha ayaa waxay sheegeen inay ku qasban yihiin meel marinta sharcigaas maadaama ay arintaas ku xiran tahay ruqsadooda iany sii shaqeeyaan laakiin waxaan la ogeyn sida dad badan oo Soomaaliyeed oo baanarooyo ka qaba su'aasha ah halkee lacagtaas ka keentay sida ay u aqbali doonaan inay la shaqeeyaan oo ayna u cadeeyaan una sheegaan meesha iyo sida ay ku soo gashay lacagtaas wakiiladaas shirkadaha xawilaadaha Soomaaliyeed.